arrimaha bulshadaWacyigelinWararkaWaxbarashada

Waa Naafo Laakiin Nolosha Kamuu Habsaamin..Akhriso Nolosha Cali-yare oo ah Wariye Naafo ah oo Ku Dhaqan Godinlabe

 

Cali-yare Sheekh Cabdi Aadan waa naafo aaney u dhameys tirneyn Lixdiisa-lixaad, laakiin hadana ah arday jaamacadeed, wariye iyo milkiile xarun ganacsi oo Buugaagta lagu iibiyo.

Magaalada Godinlabe ee gobolka Galguduud ayuu ku dhashay kuna nool yahay, waxa uu soo qaatay waxbarashadiisa iskuulka hadda waxa uu sanadkii Labaad wadaa waxbarashada heerka Koowaad ee Jaamacadda,

Hadaba wariyaha cadaado Daahir Faarax oo halkaa uga soo warama Goobjoog Media Group oo Maandeeq FM ay qeyb ka tahay ayaa ka wareystay waxbarashadiisa iyo sida uu noloshiisa ku maareeyo:

“Waxbarashadeyda dugsiga Qur’aanka waxaan ku bilaabay kuna dhameeyay Godinlabe oo ah meesha aan hadda ku wada sugan nahay, waxbarashada dugsiga hoose, dhexe iyo sarena Godinlabe iyo Muqdisho ayaan u kala qaatay, waxayna ugu dambeyntii iigu soo gabagabowday Godinlabe 2015-kii. 2016 waxaan galay jaamacad xarunteedu ay tahay magaalada Cadaado ee jaamacadda Salaam lagu magacaabo, waxaan hadda ka diyaariyaa kulliyadda Maamulka iyo Maareynta”.

Waa wariye ka howlgal mid ka mid ah idaacadaha maxalliga ah ee magaalada Cadaado waxa sidoo kale wakiil Godinlabe uga yahay jenelka Somalicable.

“Waxaan tagaa goobaha ay wararku ka jiraa oo gaaringan aad hadda u jeeddo ayaan ku socodaa, ku tagaa goobta shaqada, xaafadda iyo waliba meelaha suurtogalka ah in laga sameeyo warbixin oo aniga ahaan macquul ii ah inaan galo ama aan war kasoo qaado oo jardiimadooda oo kale ay diyaar yihiin”, ayuu yiri Cali-yare.

caliyare Godinlabe

Cali-yare waxa uu aad uga cabanaa in goobaha kala duwan ee dalka guud ahaan naafada aan lagu tashan meelo waddooyin ah oo ay maraan iyo daryeelkii ay u baahnaayeen intaba aaney helin:

“Waxaad moodda inaan dalka loogu talogelin in dad naafo ah ay qeyb ku leeyihiin, waxaan hadda ka hor ka suubiyay warbixin arrimahaasi aan uga hadlayo, wacyigelitaasna dadka Soomaaliyeed way ku yar yihiin, haba u badnaadeen maamullada degmooyinka kuwa dowlad goboleedyada iyo waliba xafiisyada dowladda oo aan iyagu aanba ogeyn in dadka ay madaxda u yihiin ay qeyb ka yihiin dad naafo ah oo u baahan waxa uu u baahan yahay qofka kaleento ee Lixdiisa-lixaad qaba.”, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Cali-yare.

Si kastaba, Dadka naafadaha ah ayaa u baahan daryeel goonni ah oo ay ka heleen bulshada ay la noolyihiin iyo dadka madaxda ah ee mas’uuliyadda iney qaadaan u bareeray, dhinaca kale Cali-yare waxa uu astaan u yahay dadka naafadaha ah ee naafanimado nolosha iyo horumarkeeda aaney ka hor istaagin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close