JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Waa Sidee Nolosha Qofka Caalimka ah?

 

Waxaa dhici karta iney si wanaagsan uga warrami karaan qoysaska culumada iyo saaxiibadood oo si fiican uga war haya noloshooda khaaska ah. Laakiin waxaaney dadbadan ogeyn in nolosha qofka caalimka ah ay ku xiran tahay jadwal qorsheysan, xubnaha qoyskiisuna way fahamsan yihiin oo ay la qabsadeen noloshiisa.

Waxaa iska caadi ah in qofka caalimka ah uu ka istaago goob xafladeed oo muhiim ah isla markaana uu ka cudurdaarto amaba dadka qabanqaabiyeyaasha ah uu u sheego in daqiiqado un uu ka maqnaanayo, laakiin ay dhici karto in saacado uu isku illoobo howshii uu u dhaqaay, gaar ahaan haddii meesha uu tagay ay tahay macmalka uu ku shaqeeyo ee cilmibaaristiisa uu ka wado.

Waxa uuse aad u daneeyaan nolosha qoyskiisa oo xilliyo kala duwan hadiyado aaney ka fileyn ayuu uga farxiyaa isoo xilli kasta aqbala dhaliilaha loo soo jeediyo oo sida culumada lagu yaqaanno; ma xanaaq badna. Waxaana xusid mudan ilbiriqsi kasta wakhtiga qofka caalimka ah agtiisa qiimo weyn ay ka leedahay, waxaa dhacaysa marka aad doonto inaad la hadasho inuu kuu sheego wakhti kooban oo ay ugu badan tahay daqiiqad barkeed, oo haddii uu dhamaadana aan waxba laguugu dareyn!, halka in badan oo inaga mid ah ay wakhtiga dilaan amaba la dhameeyaa uu aktooda caadi ka yahay.

Munaasabadaha caadiga ah qofka caalimka agtiisa wax qiimo ah kama laha, natiijo tijaabo uu sameeyay uu sugayo darteed ama ballan uu la leeyahay caalim kale awgeed amaba mashruuc cilmibaaris ah oo uu damacsan yahay dartii, sugitaan uu sugayo joornaal cilmiyeed faafiyay cilmibaaris uu sameeyay, arrimahaas oo dhan mararka qaar waxay illowsiiyaan  ballamo qoys oo aad u muhiim ah oo laga sugayay.

macmalka1

Qofka caalimka ah dabeecaddiisa waa dublimaasi sida caadiga ah, wax u sheegga kama xanaaqo, iskuma dayo caddeynta inuu saxan yahay iyo in kale gaar ahaan doodaha dhanka qoyskiisa. Mararka qaar haddii ay wada hadalaan qof aan garaneyn aad ayuu ula yaabayaa dhaqankiisa inuu la doodana ma sii xiisaynayo wuu ka caajisayay jawaabihiisa kooban iyo sida uu doodaha uga fogaanayo darteed.

Caalimku waa shakhsiga kaliya ee farxaya haddii uu kaligii joogo goobta shaqada, meelaha aaney dadku joogin aad ayuu ugu farxaa, waxay dhacaysa inuu goonni joognimada ka helo fikrad muhiim ah gaar ahaan marka uu jawigu dagan  yahay, waxaa dhici karta sida uu macmalka (Laboratory) ugu jiro in uu ku baraarugo taleefoonka qoyskiisa iyadoo la xasuusinayo in habeenkii uu kala bar yahay.

Iyadoo arrimaaha aan soo sheegnay oo dhani ay jiraan qofka caalimka ah waa qof mar kasta firfircoon oo firkrad kasta oo cusub u soo jeeda, shaqadiisa jecel iyo howl kasta oo dhanka noloshiisa ku saabsan, waxa uu aad u jecelyahay su’aalaha, wax akhrintu waxay ka mid tahay nolol maalmeedkiisa, maxaayeelay cilmigu agtiisa mihnad lagu shaqeysto ama hiwaayad lagu madaadlo kama aha ee waxa uu ka mid noqday noloshiisa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close