arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Culumada Soomaaliyeed oo Bayaan Kasoo Saaray Tacadiyada Ciidamada Yahuudda ee al-Aqsaa al-Shariif

Bayaan ay Maanta soo saareen Culimada kala ah Sheekh Bashiir Axmed Salaad guddoomiyaha hey’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Yusuf Ceynte iyo Sheekh Cabdiqadir Sh. Maxamed Soomow ayaa lagu  cambaareeyay tacadiyada Yuhuudda ay ka waddo Masjidka al-Aqsaa al-Shariif.

Culimadan ayaa sheegay in gumeystaha Yuhuudda ay Muslimiinta u diidan yihiin iney galaan Masjidka kuna cibaadeystaan, waxaa  kaloo goobta ka dhacay dil iyo tacadiyo kale, sida culumadu ay sheegeen.

Culumada Ayaa Soo Saaray Bayaankan Hoos Ku Xusan:

1 – Culumada Soomaaliyeed waxa ay cambaaraynayaan falalkaasi foosha xun, waxaa ay u arkaan xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xoriyadda cibaadada.

2 – Culumada waxa ay ka digayaan sirta ku jirta waqtiga lagu soo beegay tacadiyadaas iyaga oo ku baaqaya in si degdeg ah looga jawaabo.

3 – Culumada waxaa ay taageersan yihiin walaalaheen Falastiin ee heegan ku ah masjidka hareerihiisa una jixin jixeen tacadiyada, ilaa ay ka helaan xuquuqdooda.

4 – Culumada waxaa ay ugu baaqayaan dowladaha Islaamka in ay xasilistaan Khilaafaadkooda, una midoobaan Mowqifkooda si ay u gutaan waajidka ka saran xal u helidda arrimaha muslimiinta, gaar ahaan qadiyadda Falastiin.

5 – Culumada waxaa ay ugu baaqayaan ururada Iskaashiga Islaamka, Raabidada Caalamka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta in ay qabtaan shirar degdeg ah oo wax looga qabanayo dhibka ka socda al-Aqsa.

6 – Culumada waxaa ay ugu baaqayaan dhammaan beesha caalamka iyo inta nabadda jecel in ay shacabka Falastiin ku taageeraan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda.

7- Ciidamada Isra’il ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay mamnuucay in lagu tukado Masjidka Al-Aqsa oo ah masjidka 3aad ee masaajidyada barakeysan.

8 – Cadawga Israa’il waxaa uu dhulka iyo shacabka Falastiin gumeysi ku hayaa in ka badan 70 sano, Masjidka waxaa ay ku qabsadeen dagaalkii 6da maalmood ee 1967dii.

Maadeeq FM

Related Articles

Close