CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Ilmaha Ugu Yar Dunida ee Leh Gacmo Lagu Beeray oo Dhakhaatiirtu Ay Ku Faraxsan yihiin Xaaladdiisa (Muuqaal)

Koox dhakhaatiir Mareykan ah ayaa ku dhawaaqay iney si guul ah ugu dhamaatay qalliinkoodii ugu horreeyay ee gacmo loogu beeray canug yar  labo sanno ka hor, hadda waxay dhakhaatiirtu ku farax san yihiin in canugii yaraa ay suurgal tahay inuu gacmihiisa cusub ku qaadi karo alwaaxa culus ee lagu ciyaaro Baseball-ka.

Dhakhaatiirtan oo ka tirsan Cisbitaalka caruurta ee Philadelphia ee dalka Mareykanka ayaa cilmibaaristooda ku faafiyay joornaalka The Lancet ee arrimaha caafimaadka Arbacadii lasoo dhaafay, waxayna ka hadleen sida ay ugu farax san yihiin uguna faanayaan horumarkan uu sameeyay ilmahan yar iyadoo markii hore laga cabsi qabay in maskaxdiisu ay la qabsan weydo gacmaha cusub ee ilmahan yar lagu rakibay.

ilma yar oo gacmo macmal ah lagu beeray

Canugan yar oo lagu magacaabo  Zion Harvey oo hadda ah 10 jir ayaa sanadkii 2015 waxaa lagu beeray gacmo aan ahayn kuwii uu ku dhashay. waxa uu ku dhashay labo gacmood oo dabiici ah laakiin dhakhaatiirta ayaa ka jaray kadib markii uu ku dhacay caabuq khatar ah oo laga baqay inuu ku faafo jirkiisa kale, sidaas oo kale kaliyihiisana way howlgabeen markii uu afar jir  ahaa, laakiin Hooyadii ayuu u bixsaday oo mid ka mid ah kalyeheeda u saartay si  naftiisa ay u badbaadiso.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in Harvey ay hadda u suurtogaleyso inuu wax qoro, wax cuno, la bisto isagoo adeegsanaya gacmihiisa cusub. Gacmahan oo ah kuwo lagu tabarucay ayaa hadana waxaa si toos ah ula qabsaday maskaxdiisa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close