arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Kulamo Cilmiyeed Aqoonta Lagu Hor-u-marinayo oo Ka Socda Dalka Turkiga

 

Kulamo ay ka qeybgalayaan 160  aqoonyahan ayaa ka qeybgalaya kulamo cilmiyeedyo ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kuwaas oo looga golleeyahay kor u qaadista heerka waxbarashada sare ee dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka ah.

Kulamadan waxaa soo qabanqaabiyay midowga jaamacadaha Dunida ee xaruntoodu tahay dalka Turkiga. Iyadoo kulankani uu yahay kulan gaar ah oo ka qeyb ah bandhigga jaamacadaha dunida oo Isniintii lasoo dhaafay howshiisu bilaabatay, kaas oo ay ka qeybgalayeen isagana; 400 oo jaamacadood oo ka kala socday 28 dowladood oo ka kala socda dowladaha Islaamka ah, iyadoo ay hirgelinaysay wasaaradda waxbarashada ee Turkiga.

Bandhiggan oo lasoo gabagabeynayo Sabtida ayaa waxaa ka qeybgalay 300 oo arday Jaamacadeed ah iyo tobonaan arday oo dhigtay waxbarashada sare ee dalka Mareykanka iyo dowladaha Yurub.

Bandhigg cilmiyeedkan ayaa hadafkiisa ugu weyn uu yahay iskaashiga jaamacadaha dowladaha Islaamka iyo kuwa Turkiga iyo in xal loo helo shahaadooyinka jaamacadaha dhexdoodana loo mideeyo, waxaa intaa sii dheer in la doonayo in ardayda Turkiga ah la baro jaamacadaha dadalka Carabta iyo kuwa Islaamka ah.

Midowga Jaamacadaha ee caalamiga ah waxaa lagu aasaasay Lubnaan sanadkii 2014, waxaana xaruntiisu tahay dalka Turkiga, waxa uu ururkani xoogga saaraa inuu xal u helo mushkiladaha waxbarashada sare, isagoo ka shaqeeya iskaashiga jaamacadaha Carbeed iyo kuwa caalamiga ah, waana sida ku qoray websidka rasmiga ah ee ururka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close