WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Warbixin: Wax Badan Ka Ogow Bandhigga Buugaagta ee Hargeysa Book Fair oo Furmay

 

Waxaa magaalada Hargeysa ka socda oo ka bilowday  bandhigga buugaagta caalamiga ee Hargeysa Book Fair, kaasi oo socda sanadkii 10aad oo xiriir ah, waxa uu socon doonaa muddo 5 cisho ah, iyadoo lagu sheegay in uu yahay kan ugu weyn ee Bariga Africa laga qabto.

Waxaa kale oo magaalada Garoowe laga qabtay bandhigga buugaagta oo isna markii saddexaad marayay oo bartamaha dobodaadkii tagay ka furmay halkaas laguna soo gabagabeeyay.

Soomaaliya oo ah dal hodan ku ah afka , hidaha iyo dhaqanka ayaa bandhigyadan oo kale waxa ay dusha soo marinayaan maaxda iyo miidda garaadka iyo garashada qofka Soomaaliyeed ee duntiisu fiican tahay.

Sidoo kale waa madal ay dhalinyarada hal-abuurka leh ee alle hibada u siiyey in ay maskaxda tuujiyaan ay kusoo bandhigi karaan kartidooda curin iyo hawraartooda murtiyeysan.

Haddaba inta aanan u gelin arrimaha bandhiggani, waxaan marka hore ku hormaraynaa in aan wax iftiimino waxa uu yahay bandhig buugaag.

Waa Maxay Bandhig Buug, faa’idadiisuna Maxay Tahay?

Bandhigyada Caalamiga ah ee kasta waa goob ay ardaa wanaagsan u ah aqoonyahanka iyo cid kasta oo aqoonta xiisaysa oo ka hela ganacsigooda oo ay ku iibiyaan amaba si jaban uga iibsadaan buugaagta.

Bandhigyada waxaa kasoo xarooda dakhli dhaqaale oo aad muhiim u ah dowladda iyo magaalada marti gelinaysa bandhigga labadaba , si loogu guulaysto bandhig kasta waxaa muhiim u ah inuu helo xayaysiin fara badan , xiriir dadweynaha lala yeesho oo wanaagsan , maamul waayo-arag ah oo garanayasha shaqada uu hayo, in dadka kasoo qayb galayaashuna ay helaan Soo-dhawayn fiican iyo caawin , inta badan bandhigyada noocaan oo kale loo sameeyaa way guulaystaan .

Tusaale ahaan dowladda Jarmalka waxaa loo aqoonsana yahay iney ka mid tahay dowladaha ugu muhiimsan caalamka uguna badan bandhigyada caalamiga ah ee buugaagta iyo ganacsiga , magaalooyinka dalkaasi waxay ku tartamaan bandhigyada iyagoo samaynaya fududayn fara badan qofka soo booqda iyo qofka soo bandhiga ah labadaba .

Inaad bandhig carweed booqataa waxa ay faa’ido u tahay qof kasta , haddii aad tahay qof maalgashi doonaya waad ka faa’idaysaa , hadaad tahay qof ganacsada ahna waad ka faa’idaysaa , haddii aad tahay qof cilimi-baare ahna waad ka faa’idaysaa natiijaduna waa faa’ido dadkoo dhan soo wada gaaraysa.

Shirkadaha ama hay’adaha inta badan qaban-qaabiya bandhigyadaa caalamiga ah waxay sameeyaan diyaar garaw fara badan si loogu guulaysto bandhigga .

Bandhig Buugeedku waa: hab ah fududaynaya kulan aad la yeelanayso bandhigga kala duwan oo ay soo bandhigayaan shirkado kala duwan caadi ahaanna aan looga baran inay meel kawada shaqeeyaan , waxaanuu kuu fududaynayaa inaan meel kaliya ka wada hesho wax badan oo aad u baahnayd oo buugaag ah adigoo waliba ku helaya waxaad doonayso qiima jaban.

Bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargaysa.

Waxaa soo qaban qaabiya ururka lagu magacaabo Red Sea Cultural Foundation oo ah urur ka shaqeeya Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka oo ah inay ka qayb-qaataan wax kasta oo horumarinaaya taabbagelinta dhigista, fidinta hiddaha iyo suugaanta; xoojinta fanka iyo farshaxanka; baahinta dhaqanka qorista iyo akhriska iyo gaar ahaan kobcinta qoraalka Af-Soomaaliga.

“Red Sea” ama Badda Cas xarunteeda wayn waxa ay ku taalla dalka Talyaaniga waxaa kalooy ka howl galaan Somaliland, waxayna ka shaqaysaa kor u qaadista dhaqanka akhriska iyo qoraalka hal abuurka leh ee bulshada ku hadasha Af-Soomaaliga, iyada oo diiradda si gaar ah u saarta dhalinyarada.

Intaa waxaa dheer, waxaan ay taageeraan oo dhiirigeliyaan warfaafinta iyo isgaarsiinta tiknoolijiyadda ah ee ka shaqayasa horumarinta bulshada Somaliland gudahood.

Waxay dhiirrigelin ku sameeyaan waxyaabaha suugaanta Soomaaliyeed khuseeya oo dhan (maqaalo, taariikhda, sheekooyin, sayniska, gabayo iyo jilidda) oo tayo sare leh; iyo in la siiyo dadka dhallinyarada ah inay helaan dhaqamada dunida iyagoo loo sahlayo inay helaan tarjumidda suugaanta heerka caalami ee caanka ah (oo ay ku jiraan sheekooyin , gabayo iyo jilid intaba).

Ula jeedada ugu waawayn ee ururka loo aasaasay waxaa kamid ah in Somaliland lagu soo jeediyo indhaha caalamka, lagana shaqeeyo horumarinta bushada iyo wax-soo-saarka fikradeed ee dadka.

Ururka waxaa maalgelin uu ka helaa Midawga Yurub iyo hay’ado kale oo caalami ah.

Sanadihii la soo dhaafay iyo wax qabadka Bandhigga Buugaagta Hargaysa.

Shantii  sano ee lasoo dhaafay ayuu si weyn usoo caan baxay bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa, isaga oo soo jiitey dareenka saxaafadda iyo adduunka iyo waliba dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba.

Sanad kasta waxa uu bandhigga leeyahay moowduuc gaar ah oo lagu faaqido, sanadkii sandkan waxaa hal ku dhag u ah “Xiriirsame” oo ah hal ku dhag loogu dabaaldagayo mudadii faraha badneyn ee uu soo jiray.

Hadaba, Maalinimadii shalay waxaa si rasmi ah Hargeysa uga daahfurmay sanadguuradii 10aad ee bandhigga caalamiga ah ee Hargeysa Book Fair, waxaa kasoo qeybgalay kumanaan dhalinyaro ah oo ka mid ah kuwa Hargeysa oo qaar ka mid ah ay soo bandhigayeen buugaag ay sheegeen iney wax ka bedeli doonaan dhalinyarada Somaliland, iyadoo uu sanadkan bandhigga qurxiyay Buug uu qoray sarkaal ka tirsan ciidan booliska oo la yiraahdo Jaamac xaad oo qoray buug la magac baxay Af-garad oo uu doonayo in ciidanka booliska iyo dadku ay isku fahmaan .

Dhanka kale, Jaamac Muuse Jaamac guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee bandhiggan soo qabanqaabisay oo safaaxafadda la hadlay ayaa yiri:

“Maanta waxaa inoo bilaabatay 10guuradii bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa, dhammaan dhalinyarada Somaliland 10-kii sanno ee Book Fair-ku socday ee dhabarka u ahayd ee barnaamijkan wadday inaan horta halkan uga mahad naqo, waxaan kaloo doonayaa inaan idiin sheego 10 sanadood baynu shaqadan soo wadnay waa markii la xisaabtamayay waxyaabo farabadan oo dhaqanka ku saabsan, sanad kasta mowduuc baynu qaadaneynay, sanad kaste dal baa inoo marti ahaa, tobankaa sanno wixii isasoo gaadhay maanta midhaheedii waynu haynaa, midhaheeda waxaa ugu horreeya iney maanta joogno meel aynu leenahay oo dhaqanku leeyahay”.

Akhristow, waxaan halkan kugula wadaagaynaa talooyin dhaxalgal ah oo anfici doona qofka doonaya in uu tago ama ka qeybgalo bandhig buugaag.

Talooyin loosoo jeedinayo dadka ka qaybgala bandhig buugeedyada.

1 – Su’aal waydii naftaada , waa maxay sababta aan u tagayo bandhigga.

Ka digtoonow inuu kugu dhaco jacaylka buugaagta , laakiin ka fakar inaad ka faa’idaysato buugaagta aad iibsanayso, waxaa jira dad badan oo buugaagta guriga ku sharaxa , waxa laga digayaana waa inaad noqoto iyagoo kale.

2 – Ku dadaal inaad soo qaadato buug yar oo xusuus-qor ah si aad ugu qorato waxa aad doonayso ee muhiimka ah .

3 – Waxaad is xasuusisaa danta aad booqashada bandhigga ka leedahay , haddii aad doonayso inaad buug ka iibsato , haddii aad dan ka leedahay inaad ogaato wax cusub, dadka qaar ayaa u booqda inay iskaga cago baxsadaan darteed, laakiin inaad dantaada sii xadaysaa waxay kaa saacidaysaa inaad faa’idada ugu badan aad kala hoyato goobtaa.

4 – Haku sirmin midabka jildiga buugga , buuga qiimihiisu kuma taagna jaldigiisa , waxaad xooga saartaa daabacaadda lagu kalsoon yahay ee hadana la xaqiijiyay.

5 – Dadkii kaaga horeeyay waydii sida macradka looga faaidaysto, talooyinkooda wanaagsanna ku dhaqan.

6 – Kitaab kasta oo ku cajabiya lama iibsado , laakiin waxaad ku dadaashaa in qorshahaaga aad ku dhaqanto oo aanuu kaa burburin.

7 – Markasta tixraac qorshaha iyo jadwalka u degen bandhigga ee qoran ee aad meesha ka heli doontid, waxa ay taasi kaa caawineysaa in aad kala xulatid hadal-jeedinada kala duwan ee ay qorayaasha samaynayaan kana ad dhagaysanayso iyo kan kale.

8 – Waxaad tagtaa meesha maskaxdaada oo furan, hasii qaadan wax fikir ah ama aragti aad ka aaminsantahay bandhigga ama qorayaashaba, kaliya ku camal fal waxa aad meesha kala kulanto.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close