CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Caagadaha iyo Bacaha oo Ay Sii Kordheyso Khatartooda Dhanka Deegaanka

Tiro ka mid ah culumada deegaanka ayaa carrabka ku adkeeyay in tirada xad dhaafka ah ee qashinka caagadaha iyo bacaha plastic-da ah ay khatar ku yihiin nolosha dabiiciga ah ee dhulka.

Daraasad ay soo saareen oo lagu faafiyay Science Advances muddo ka hor ayaa lagu sheegay  “Aadanahu waxa uu soo saaray intii la helay waxsoosaarka Plastic-ada 8 bilyan oo tan oo ka tirsan maadma caagadaha iyo bacaha ah, 2 meelood waxay noqdeen kuwo lagu shubay goobaha qashinka iyo biyaha badaha.

Saynisyahanadda Gina Gambeck oo ka tirsan jaamacadda University of Giorgier ee dalka Mareykanka ayaa mar ay  arrintan ka hadashay ayaa waxay tiri: “Inta badan Plastic-ada hadda warshaduhu ay soo saaraan dib looma cusbooneysiin karo ciiduna ma cunto, sidaa darteed boqolaal sanno iyo kumanaan sano isma bedelayaan. Warbixinada aan helayno qashinkaasi aad ayuu u farabadan yahay, waxaanan ku khasbannahay inaan fakarno sidii aan uga adkaan lahayn dhibaatadaas”.

Waxay intaa sii raacisay : “Tiro koobyadu waxay sheegayaan in 300 oo tan oo ka tirsan qashinka Plastic-da ay sanad kasta ku darsamaan qashan qubka, inta badan ciiddu ma cunto oo bakteeriyada ciidda ku jirtaa ma saameyso, sidaa darteed qeybaheedu ciidda ayay ku jiraan illaa marka uu roob yimaaddo ay ku biiraan biyaha badaha iyo wabiyada, arrintaas oo ay ka dhalaneyso iney sumoobaan kalluunka iyo shimbiraha inta badan ay u geeriyoodaan”.

plastic

Hadaba, si guud laga soo bilaabo dhex bartamaha qarnigii tagay illaa maanta, aadanuhu waxay soo saareen 8.4 bilyan oo tan oo Plastic ah, 66% waxay isku bedelaan qashin ka buuxa goobo badan iyo badweynta.

Iyadoo ay jirto in ay sii kordhayso dalabyada  ay helayaan warshadaha Plastic-da sameeyaan, ayaa khubaradu waxay kula talinayaan xukuumadaha iyo wadamada -si loo qaado tallaabooyin dheeraad ah oo dib loogu soo cusbooneysiinayo Plasticada- si looga fogaado dhibaatooyin waaweyn oo dhanka deegaanka soo gaara oo aan laga kabsan karo oo ay sababaan bacaha iyo caagadaha.

Si kastaba, Bacaha ayaa laga mamnuucay qeybo ka tirsan dalka sida Somaliland oo kale, iyadoo ay jirto in Puntland-na laga wado ol’ole kaa la mid ah oo lagu mamnuucayo.waxaa la ogyahay in bedel fiican la heli karo oo looga maarmo bacaha oo ka caafimaad wanaagsan deegaankana la saaxiib ah, kaas oo uu ka mid yahay  saladaha adeegga oo hadda meesha ka baxay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close