arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Maxaad Ka Taqaannaa Taariikhda Sawirka La Magac Baxay Dhunkashadii Nolosha

Sawirkan hoos kaaga muuqda waxaa la qaaday sanadkii 1967, waxaana loo doortay sawirkii ugu fiicnaa sanadka, waxaana loogu macag daray “Dhunkashadii Nolosha”.

Sawirkan ayaa waxa uu ku tusinayaa  Labo shaqaale ah oo ka howlgala xarkaha korontada, waxaana lagu kala magacaabi jiray Champion iyo Thompson, waxay korsanaayeen tiir ka mid ah tiirarka korontada, iyagoo ku gudo jira cillad bixin, ayaa waxaa maaso qabsatay 4000 oo Volt ah Champion oo isla markiiba wadnihiisu uu istaagay. Iyadoo ay jirto in kursiga korontada ee dadka lagu dilaa korontadiisu tahay 2000 oo Volt oo qura.

Suunkii badbaadada ee uu watay ayaa ka badbaadiyay inuu soo dhaco, saaxiibkii Thompson oo gadaashiisa saarnaa ayaa arkay wuu usoo cararay korontadiidan umuu aabo yeelin, wuu qabtay waxaanuu siiyay neef dhanka afka ah si uu noloshiisa u badbaadiyo, sambahana uu hawada u gaarsiiyo, maxaayeelay uma aaney suurtogelayn inuu u sameeyo C.P.R.

Kamuu daalin inuu neefta siiyo si uu hawada u gaarsiiyo sambabihiisa, si lama filaan ah ayaa waxa uu dareemay xoogaa garaac ah oo dhanka wadnaha ah, xariggii ayuu ka furay dhulkii ayuuna u soo dejiyay .

Kiss_Of_Life_by_Rocco_Morabito_1968

Markii uu dhulka keenay ayuu u yeeray asxaabtii kale ee ay isku shaqada ahaayeen oo goobta ka ag dhawaa, waxay u sameeyeen gurmad degdeg ah waxayna isku dayeen iney wadnaha dib uga shaqeysiiyaan, xoogaa baraarug ah ayuu isku biday, isla markiiba waxaa loola carar dhakhtar waxaanuu helay daaweyntii uu u baahnaa. Ugu dambeyn Champion nolosha ayuu dib ugu soo laabtay waxaana sabab u ahaa saaxiibkii oo naftiisa badbaadiyay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close