arrimaha bulshadaWararka

Erdogan: Israel Waxay Dooneysaa iney La Wareegto al-Aqsaa al-Shariif

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay  tallaabooyinka ay qaadayso dowladda Israel ay yihiin kuwo ay dooneyso iney masaajidka kala wareegto gacmaha Muslimiinta.

Hadalkan ayuu Erdogan ka sheegay kulan uu la qaatay koox ka tirsan baarlamaanka Turkiga oo ka mid ah xisbiga Cadaaladda iyo horumarka ee uu madaxweynuhu guddoomiyaha u yahay.

Waxa uuna carrabka ku adkeeyay in doonista Israel ay tahay arrin aan la qaadan karin muslimiinta masaajidka ku cibaadeysanaysana aan laga tilmaami karin kuwo argagixiso ah.

Erdogan waxa uu aad u cambaareeyay ka hor istaagga ay ciidamada Yahuuddu ka hor joogsadeen  iney muslimiintu galaan masjidka al-Aqsaa maalmihii ugu dambeeyay.

Erdogan ayaa tilmaamay in Muslimiintu u baahan yihiin iney midoobaan oo ay is garabsadaan, isla markaana ay ka fogaadaan khilaaf maaha ayuu yiri: “Haddii ciidanka Israel ay si caddaan ah kabahooda ula  dulmarayaan masaajidka, dhiigga Muslimiintana ay daadinayaan iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya wax aan macno lahayn, arrintaa waxaa sababteeda leh inagoon sidii loo baahnaa ugu gurman al-Aqsaa”.

Waxaanuu hoosta ka xarriiqay: “Difaaca goobaha barakeysan ee Muslimiintu leeyihiin waa mas’alo iimaan ah, laakiin mid wixii laqaban karo un ah maaha”.

Ugu dambeyn, Israel ayaa wali sii wadda dhibaatooyinka ay ka geysanayaan al-Aqsaa iyagoo maalmihii lasoo dhaafay ku dilay gudaha masaajidka ku dhawaad 8 qof oo aan waxba galabsan.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close