WararkaWaxbarashada

Shir Looga Hadlayo Horumarinta Mashaariicda Waxbarasho oo Muqdisho Ka Furmay

Waxaa Maanta  magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayo sidii loo horumarin lahaa mashaariicda waxbarasho ee Midowga Yurub ay siiso Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sida ay qoreyso wakaaladda wararka ee Sonna, shirkan waxaa ka qeybgalay wasiirada waxbarashada, Qorsheynta, xubno ka socda Guddiga shaqaalaha rayidka iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalaya shirkani oo inta uu socdo lagu gorfeyn doono sidii mashaariicdaasi waxbarasho loogu saleyn lahaa baahiyaha Dowladda.

Inta uu socdo shirkaasi waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobbo muhiim ah, Guudiga shaqaalaha rayidka ayaa la filaya in ay shirkaasi  ku soo bandhigaan aragti ku aaddan dowrka shaqaalaha Dowladda ay ku yeelan karaan tayo ahaan ka qeybgalka maareynta mashaariicdaasi waxbarasho.

Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close