arrimaha bulshadaUncategorizedWacyigelinWararka

Sidee Ilmeheenna Uga Ilaalin Kartaa Khatarta Musalsallada iyo Aflaamta

Waxaan cidkastaa ka qarsooneyn in maanta guryaheenna ay ku bateen daawashada musalsalaadka oo si isasoo taraysa ay dadkeennu ugu ilbaxayeen maalmihii ugu dambeysay isla markaana tarjumaaddooda Af-Soomaaliga ah ay si is-daba jooga ah uga socoto guud ahaan dalka. sidaa darteed waxaa laga maarmaan ah inaan isku baraarujinno khatarba ballaaran ee daawashada telefishinku ay u leedahay ubadkeenna.

Maalin dhawayd waxaa indhahaygu qabteen ilmayar oo da’diisa aan ku qiyaasay 9 jir, wuu i hor socday meel waddo ah ayaan wada soconnaa ficillada uu sameyno aadbaan ula yaabay, waxa uu sameynayay ficillo aan u arkay sidii inuu daawasho filin hadda ka soo baxay oo kale oo uu matalo action uu atoore ku soo arkay.

Dunida waxaa ka dhacaday oo warbaahintu ay qortay, “Wiilyar oo Sucuudiyaan ahaa ayaa dabaq uu daganaa iska soo tuuray isagoo isku dayay inuu jilo kaalinta Spider Man oo uu filin ka daawaday, waxaa dhacay in isla markiiba ay naftu ka baxday”, 44 kale oo u dhalatay dalka Masar ayaa iyaguna is dilay iyagoo jilliin sameynaya kaalinta Actor-ka ay jecelyihiin oo wax caadada ka baxsan oo qof caadigana aanuu kari karin sameynaya, qaar ka mid ah ardayda galas-ka saddexaad ayaa waxay dileen saaxiibkood iyagoo ma talaya mid ka mid ah musasallo ay daawadeen qaabkii ay ku arkeen…

Dhacdooyinkaa aan ka soo sheekeynay iyo kuwo kale oo la mid ah waxay caddeyn u yihiin heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada aflaamta iyo musalsalaadka la daawanayo. Ciyaalkeennu waxay saacado badan daawadaan waxyaabo kala duwan oo qaarkood iyaga lagu mada daalinayo loogu talogalay halka kuwo kale oo aan loogu talogelinna ay marar badan daawadaan.

Ugu horreyn, inta aynaan ka hadlin sida aan caruurta ku ilaalin karo marka hore aan bal isla  eegno dhibaatooyinka Telefishinku uu caruurta u leeyahay, waxaana ka mid ah:

1 – Ilmaha oo isku daya iney jilaan qaabka atoorayaasha ay jecelyihiin, taas oo khatarro farabadan ay ka dhalato, mararka qaarna naftooda ay ku waayaan.

2 – Caruurtu waxay barataan in mushkiladaha la soo gudboonaada ay awood ku xalliyaan.

3 – Caruurta caqligoodu waxa uu joojiyaa iney hal-abuur yeeshaan, waxay ku mashquulaan sidii ruux kale ay ugu dayan lahaayeen oo qura.

4 –  Haddii wakhti badan uu hor fadhiyo waxa uu u horseedaa iney fahamkoodu uu yaraado waxbarashada ay ku hooseeyaan, la socodka sharaxa macallinka ee gudaha fasalkana ay ku adkaato.

5 – Ciyaarta oo muhiim u ah noloshaada ayaa Telefishinku ka hor istaagaa.

6 – Cabsida ayaa ku badata oo waxaad arkaysaa in waxyaabo badan oo markii hore aanuu ka baqi jirin uu ka cabsanayo.

7 – Caruurta kale ee asaagiisa ah inuu raaco amaba uu la ciyaaro wuu nacaa.

8 – Waxa uu yeelanayaa akhlaaq iyo dhaqan aan wanaagsanayn.

9 – Waxaa ku badaneysa baahida oo kolba waxa uu rabaa in waxyaabo goonni ah loo soo iibiyo, waxaana u badnaan doona waxyaabaha uu ku arko xayaysiinta Telefishinnada.

10 – Saameyn aan fiicneyn ayuu caafimaadkooda ku yeelanayaa.

11 – Xilliga hurdad ka hor oo uu daawadaa waxay u keenaysaa in hurdadiisu ay yaraato amaba uu dhafar la qabsado.

12 – Waxay u badan tahay inuu cayilo oo baruur badani jirkiisa korto.

13  –  Fikirkiisa iyo caqiidadiisa diineed ayuu saameyn taban ku yeelanayaa telefishinku gaar ahaan daawashada musalsallada hindiga ah iyo kuwa kale ee ajaabibta ah ee ay dhigaan dalalka kaan islaamka ahayn.

Hadaba, dhibaatada ilmaheenna yar ka soo gaareysa daawashada Telefishinka haddii heerkaa ay gaarsiisan tahay sideen uga gaashaaman karnaa isla markaana ubadkeenna u ilaashan karaan.

Si ay caruurteennu u daawadaan telefishinka isla markaana aan dhinaca wanaagsan ugu riixno waxaa lagama maarmaan ah:

1 – Noqo Ku Dayasho Wanaagsan oo u badkaagu hakugu daydaan adiga, haddii aad u diiddo daawashada adiguna aadaan ka hor kacayn taasi ku dayasho wanaagsan maaha ee lumin ayay noqoneysaa, maxaayeelay waxyaabo isdiidan ayuu ubadkii yaraa arkayaa.

2 – Daawashada Telefishinka nidaami sharcina u samee, ilmaha yarna sii wakhti uu leeyahay oo uu daawado, hana noqoto wakhti kooban.

3 – Telefishinka ha dhigin qolka caruurta amaba meel uu marka uu rabo si sahlan uu ku heli karo oo uu ku furan karo.

4  – Sii fursad fiican oo ay ku qabsadaan howlaha ay xiiseeyaan oo hiwaayadooda ah isla markaana ay kaga mashquuli karaan telefishinka.

5 – Ka fogow siyaasadda loo yaqaanno “tufaaxa xaaraanta ah” ilmahaaga yarna ha u diidin inuu daawado telefishinka, maxaa yeelay waxa ay arrintaasi ku abuuraysaa inuu barto amar diidada iyo khiyaanada oo si qarsoodi ah ayuu ku daawan doonaa.

6 – Ha ku khasbin canugaaga yar inuu daawado barnaamijyo aadan raalli ka ahayn. waxaa laga yaabaa inaad howl muhiim ah ku jiro markaasna aad iskaga sasabto inuu daawado telefishinka. markasta ka ilaali waxa uu daawanayo oo isha ku hay.

7 – Ciyaalkaaga telefishinka abaalmarin ha uuga dhigin marka aad ku aragto waxyaabo wanaagsan, arrintaasi waxay aad u jeclaysiinaysaa daawashada telefishinka. Hana ka dhigin mid aad ku ciqaabto.

8 – Ka fogee caruurtaada barnaamijyada aan akhlaaqda u wanaagsaneyn, gaar ahaan kuwa kaartoonka ah ee akhlaaq xumada badani ay ku jirto.

9 – Ucaddee carugaaga in waxyaabaha caadooyinka ka baxsay ee Telefishinka uu ku arko, sida buur dheer oo laga soo boodayo dabaq laga soo duulayo iyo arrimaha khatarta ah oo dhan in qof caadi ah aanuu sameyn karin, wax la farsameeyayna ay yihiin, iyadoo ay jiraan barnaamijyo muuqaallo ah oo khiyaanada action-ka filmaanta lagu ogaado oo aad daawad siin karto.

10 – Ilmahaaga ku dhiirigeli inuu barto fikaradaha naqdiga ah ee wax kasta oo uu daawado inaanuu run u maleyn. Si aad arrintaa u sameyso adigu marka hore naftaada tababar.

11 – Daawashada ilmahaaga ee dhinaca telefishinka uga faa’ideyso inuu barto akhlaaqda wanaagsan  , sida runta, daacadnimada, …..

12 – Kala qeybgal daawashada muuqaallada uu jecelyahay ee uu xiiseeyo. Maxaa yeelay inta badan caruurtu waxay jecelyihiin in farxadooda ay la wadaagaan labadooda waalid.

Si kasta, waxaa xaqiiqo ah  in guryo badan oo si taxano ah looga daawado musalsalaadka iyo aflaamta wax iska caadi ahna ay noqdeen, sidaa darteed waxaa habboon in ammaanada Alle uu mas’uulka aan ka nahay inaan xasuusanno in la inaga xisaabinayo sidaa darteed waxaa waajib inagu ah inaan faafreeb ku sameynno isla markaana aan si fiican ula soconno waxyaabaha ay caruurteennu daawanayaan.

Sawirkan qeybta bannerka waxaa iska leh Maandeeq FM
Sawirkan qeybta bannerka waxaa iska leh Maandeeq FM

Maandeeq FM

 

 

Related Articles

Close