WararkaWaxbarashada

Bandhigga Hargeysa Book Fair ee Sanadkan oo Lagu Soo Bandhigay Buug Uu Qoray Sarkaal Boolis Ah

Waxaa si habsami leh uga socda magaalada Hargeysa bandhigga buugaagta ee Hargeysa Book Fair oo sanadkii 10aad oo xiriir ah halkaa si habsami leh uga socda iyadoo sanadkan bandhigga uu bilay buug la magaca baxay Af-garad oo uu qoray Sarkaal ka tirsan Boosliska Somaliland.

Sanadkan waxaa soo jiidasho la ahaa in bandhigga lagu arkay buug uu qoray sarkaal ka tirsan Booliska Somaliland oo qoray buug la yiraahdo Af-garad oo loogu talogalay iney is ku fahmaan Booliska iyo dadweynaha gaar ahaan xilliyada ay socdaan baarintaannada dambiyada. Booliskana lagu xasuusinayo iney u naxariistaan shacabkooda, cadaaladdana ay kaga shaqeynayaan.

Salkaalkan oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Jaamcad Xaad oo saaxafadda qaar la hadlay ayaa yiri: ” ”Buuggani waxaan qoray ka dib markii aan arkay baahida loo qabo in la fahmo shaqada Booliska iyo meesha ay ugu jiraan shacabka sidoo kale-na in Boolisku fahmo waajibaadka shaqo ee shacabku ka sugaayo oo ay ka mid tahay naxariis iyo sharci ilaalin”.

Askarigan oo ah kii ugu horreeyey ee Booliska Somaliland ka tirsan oo wax ka qora mawduuca sidan oo kale ah, ayaa waxa uu sheegay in looga baahan yahay iney akhristaan ciidamadu si ay ugu baraarugaan shaqadooda oo u baahan in si sax ah loo guto.

buugga afgarad

Ugu dambeyn, bandhigga buugaagta ee Hargeysa Book Fair ayaa lagu soo bandhigay buugaag farabadan oo ay ku jiraan Aqoon iyo Afgarad,  Af-garad, Raad Soomaali, Cilmi-boodhari Caashaqiisii, Dhibaatada Dhulkeenna, Waadiga Nolosha, Kaabaha Ardayga, Jin iyo Insi iyo kuwo kale oo u badnaa arrimaha bulshada, ayadoo ay muuqato gaab dhanka buugaagtii cilmiga iyo teknoloojiyadda ah oo muhiim u ah horumarka ummad kasta.

Maandeeq FM

Related Articles

Close