WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Ilmaha-yar ee Xilliyada Hore ee Koritaanka Si Wanaagsan Ula Falgala Aabayaashood Waxay Noqdaan Kuwo Caqli Badan

Daraasad cilmiyeed ay sameeyeen koox cilmibaarayaal ah oo ka tirsan saddexda jaamacadood ee ugu saameynta badan dalka Ingiriiska oo ay ka qeybgaleen 128 aabbe oo UK ah; ayaa lagu ogaaday in caruurta wakhti badan la qaata aabayaashood xilliyada hore ee koriimada ay ka caqli badan yihiin asaagood.

Daraasaddan ayaa waxaa sameeyay cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadaha imperial College London, London King’s College iyo Oxford University oo  lagu faafiyay Infant Mental Health Journal ayaa waxaa kasoo baxay in ilmaha yar uu aad uga faa’idaysto la joogista aabihii xilliyada hore ee korriimadiisa.

The Telegraph ayaa caddeysay in culumadan ay kaashadeen 128 aabbe oo degan daafaha UK, si loo gaaro tatiijo isku mid ah iyadoo cilmibaarista laga sameeyo deegaanno kala duwan.

Vaheshta Sethna oo ah cilmibaare ka tirsan kulliyadda King’s College ee magaalada London ayaa tiri: “Waxaan aragnay caruurta la falgala aabayaashood xilliyada fadhiyada wax akhrinta ah aad ayay ula falgalaan aabayaashood, marka ay Labo sano gaaraanna waxaa ka soo muuqata horumar ballaaran oo dhanka dhaqankooda ah, waxaa kordheysa xarfadahooda dhanka luqadaha ah, waxaanay awood u yeelanayaan iney xalliyaan mushkiladaha qaar”.

Hadaba, daraasaddan ayaa waxaan kala soo dhexbaxaynaa muhiimadda ay leedahay in caruurta wax loo akhriyo xilliyada hore ee noloshooda, waxaana taa ka sii muhiimsan in aabuhu uu si fiican uga qeybqaato korinta caruurta si wanaagsanna uu ula falgalo. Iyadoo aan ognahay in inta badan aabayaasha Soomaaliyeed ayna muhiim u arkay haynta caruurta oo ay u haystaan mas’uuliyadda hooyada ku kooban.

Maandeeq FM

Related Articles

Close