WararkaWaxbarashada

Kala Bar Caruurta Dunida ee Waxbarasho La’aantu Hayso ayaa Kasoo Jeeda Hal Dal oo Qura

Kala bar caruurta dunida ee waxbarasho la’aantu hayso ayaa kasoo jeeda hal dal oo ka tirsan qaaradda Afrika, iyadoo caruurta waxbarasho la’aanta ah ee dunida lagu qiyaaso 20 milyan.

Wasaaradda waxbarashada Nigeria ayaa sheegtay in kala bar caruurta caalamka ee aan  heysan waxbarashada ay ku noolyihiin dalka Nigeria.

Hadalkaani ayaa waxaa sheegay xoghayaha  joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada Nigeria Adamo Xuseyni, isagoo hadalkan ka jeediyay furitaanka shirka golaha waxbarashada Qaranka ee 62aad ee ka dhacay gobolka Kanu ee waqooyiga dalkaasi.

Xuseyni ayaa yiri: ” Waxaa jira ku dhawaad 20 milyan oo caruur ah oo aaney u suurtogaleyn iney ku biiraan iskuulaad, 10.5 milyan oo ka mid ah waxay ku dhaqan yihiin dalka Nigeria”.

Waxa uu tilmaamay ilmaha ugu badan ee waxbarasho la’aanta ah waxay ka tirsan yihiin qabiilka Fulani ee reer guuraaga ah amaba caruurta qoysaska xoolaha dhaqda ama kuwa Jillaabatada ah amaba kuwa beeraaleyda ah.

Dowladda Nigeria iyo qaar ka mida hay’adaha ayaa waxay dadaallo gaar ah ku bixiyeen sidihii waxbarashado caruurtaasi ay u heli lahaayeen waxbarasho iskuullaadkana ay u gaari lahaayeen, balse dadaalladaas ma noqan kuwo kaafiya oo mirihi loo baahnaa laga gaaro.

Nigeria in ka badan 6 sano waxaa ka socday dagaallo u dhaxeeya kooxda Boko Haram iyo dowladda ah oo keenay in ay dhintaan tobanaan kun oo qof, halka ay barakaceen 6 malyan oo kale.

Dowladda Nigeria ayaa ah dowladda ugu dadka badan qaaradda Africa, dadka ku nool Nigeria ayaa waxay gaarayaan 182 milyan oo qof,  waxaana degan 150 kooxood oo qabaa’ilo kala duwan ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close