arrimaha bulshadaWararka

NASA oo Ardayad Sucuudi ah oo 19 jir ah Ugu Magac Dartay Meere, Maxay Darajadaa Ku Mutaysatay?

Wakaaladda cirbixiyeennada Mareykanka ee NASA ayaa magaca “Sheekh 33535” u bixisay meere yar oo hawada sare ah qadarin iyo qiimeynna uga dhigtay ardayad Sacuudiyaan ah oo cilmibaaris ka sameeyay cilmiga dhirta.

Gabadhan oo la yiraahdo Faadumo bintu Cabdi al-Muncim al-Sheekh ayaa kaalinta Labaad ka gashay bandhigga Sayniska iyo Engeneeriyadda ee Intel ISEF ee sanadkii 2016, iyadoo isla wakhtigaa la guddoonsiiyay lacago abaalmarin ah oo tartanku uu lahaa, kadib wakaaladda NASA ayaa magaca qoyskeeda u bixisay mid ka mid ah meerayaasha yaryar ee hawada sare, sida lagu soo daabay website-ka MVSLIM.

Cilmibaarista ay ardayaddani sameysay ayaa ahaa ” Determining the Effect of the Novel CarL2 Strigolactone Analog on the Seed Germination of Parasitic Weeds”. Waxayna arrintaa ku mutaysatay qadarin dhanka wakaaladda NASA ah.

Bandhigga Intel ISEF ayaa sanadkiiba mar la qabtaa, waxaana ka qeybgal 1800 oo ardayda dugsiyada sare ah oo deggan daafaha dunida, waana tartanka ugu ballaaran dunida ee dhinaca Sayniska ee marxaladda ka horreysa jaamacadda.

Gabadhan ayaa tartanka caalamiga ah ka qeybgashay kadib markii ay ku soo guuleysatay mid kale oo dalkeeda gudihiisa lagu qabtay oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyaan mu’asasada Boqor Cabdi al-Casiis ee hibada iyo hal-abuurka iyo wasaaradda waxbarashada Sucuudiga.

Ardayadan yaa hadda waxbarashadeeda ka sii wadan doonta jaamacadda Brown University ee dalka Mareykanka oo cilmibaaristeedana ay ka sii ambaqaadan doonto.

Si kastaba, tani maaha markii ugu horreysay ee NASA ay magaca arday u bixineyso mid ka mid ah meerayaasha yaryar ee aan magaca lahayn ee hawada sare, waxaa horey sidan oo kale loogu sharfay arday da’yar oo u dhashay dalka Urdun oo la yiraahdo Salaax al-Diin ibraahim abu-Sheekh oo isna tartankan ku guuleystay 2013, sidaa si la mid ah waxaa loo sameeyay arday isna Sucuudiyaan ah oo la yiraahdo Cabdi al-Jabbaar Cabdi al-Rasaaq al-Maxamuud kaas oo kaalinta 1aad ka galay tartanka sanadkii 2015 oo isna cilmibaari dhanka cilmiga Dhirta ah  sameeyay, ….

Ugu dambeyn, haddii aad ku riyooneyso in mar un magacaaga uu waaro oo loo bixiyo mid ka mid ah meerayaasha faraha badan ee aan magacyo lahayn ee dunida, wadada ugu gaaban waa inaad ku guuleysato tartanka bandhiga caalamiga ah ee Interl ISEF.

Maandeeq FM

Related Articles

Close