WararkaWaxbarashada

Bandhigga Buugaagta ee Hargeysa Book Fair oo Maanta Lasoo Afmeerayo

Bandhigga Buugaagta Hargeysa Book Fair ayaa maanta lasoo afmeerayaa kadib 5 maalmood oo lagu soo bandhigay buugaag, dhaqan iyo farshaxan ay aad uga heleen dadkii ka qeybgalay.

Bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa Book Fair oo socda sanadkii 10aad oo xiriir ah, waxa uu bilowday 22 bishan waxaanuu soconayaa illaa 27-ka oo maanta ah, waxaa loogu talogalay inuu socdo muddo 5 cisho ah, iyadoo lagu sheegay in bandhiggani uu yahay kan ugu weyn ee Bariga Africa laga qabto.

Sanadkan ayaa lagu soo bandhigay buugaag farabadan oo ay ku jiraan Aqoon iyo Afgarad,  Af-garad, Raad Soomaali, Cilmi-boodhari Caashaqiisii, Dhibaatada Dhulkeenna, Waadiga Nolosha, Kaabaha Ardayga, Jin iyo Insi iyo kuwo kale oo gabdho iyo wiilaal dhalinyaro ah ay qoreen oo si wanaagsan uga qeybqaatay bandhigga.

Si kastaba, maanta ayaa lagu wadaa in bandhigga lasoo gabagabeeyo kadib muddo 5 cisho ah oo ka qeybgalayaashu ay ka heleen aqoon, dhaqan, farshaxan iyo madadaalo aad u wanaagsan oo ay u riyaaqeen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close