arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Puntland: Xaflad Abaal-marin ah oo Loo Sameeyay 10-kii Arday ee Ugu Sarreeysay Imtixaankii Fasallada 12aad

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa abaal-marinno guddoon siisay 10-kii arday ee ugu sarreysay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Sare ee Puntland 2016-2017.

Xafaldda abaal-marinta ah ayaa ka dhacday xarunta PDRC ee magaalada Garoowe Arbacadii, waxaana kasoo qeybgalay madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakim Cabdullaahi Xaaji Cumar, mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada, xildhibaanno, salaadiin iyo marti sharaf kale oo ay ku jiraan waalidiin.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland Maamed Cabdulqaadir Cismaan oo ardayda ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen ayaa u ballanqaada iney heli doonaan waxbarasho lacag la’aan ah oo kuliyadaha adduunka ugu sarreeya ah, isagoo balanqaaday iney dadaal dheer ku bixin doonaan sidii ardaydan ay u heli lahaayeen waxbarasho tayo sare leh.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Camey ayaa wasaaradda waxbarashada ugu hambalyeeyay in ardaydaa kaalmaha hore gashay ay u heleen waxbarasho dibadda ah oo lacag la’aan ah, isagoo ardayda ugu dardaarmay iney ka faa’ideystaan fursadda ay heleen.

10 Arday ee Puntland ugu sarreysay fasalka 12-aad, waxay kala yihiin:

1-  Cabdullaahi Yusuf Maxamed ee Dugsiga Al-Waaxa

2 – Maxamed Xasan Ciise Faarax, dugsiga sare ee Boosaaso.

3 – Maxamed Axmed Cabdi Yuusuf, dugsiga sare ee al-Najax

4 – Jaamac Maxamuud Faarax, dugsiga sare ee Ganbool

5 – C/llaahi Siciid Saleebaan Yusuf, imaamu-Shaafici.

6 – Cabdul al-Casiis Xasan Xuseen, dugisga sare ee Boosaaso.

7 – Nashaad Maxamed Ibraahim Muuse, dugsiga sare ee Dhahar.

8 – C/rashiid Deeq Cabdi, dugsiga sare ee Cumar-Samatar.

9 – Xabiib Cabdi Bootaan diiriye, dugisga sare ee Ganbool.

10 – Siciid Cali Maxamed Ciise, dugsiga sare ee al-waaxa.

10 – Cabdikariim Ismaaciil Shabeel, dugsiga sare ee Dhahar.

Ugu dambeyn, 29 Juun ayay ahayd markii lagu dhawaaqay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland lana soo bandhigay 10 arday ee ugu sarreysa guud ahaan Puntland.

10 arday ee puntland ugu sarreysay

Maandeeq FM

Related Articles

Close