TiknoolojiyadaWararka

Shirkadda Microsoft oo Shaqada Ka Fariisineysa Barnaamijyo Muhiim ah oo Dhinaca Computer-ka ah

Shirkadda Microsoft ayaa ku dhawaaqday iney gabi ahaanba joojineyso barnaamijka Paint oo ah barnaamij ay si aad ah u adeegsadaan dadka isticmaala computerka.

Barnaamijkan ayaa la joojinaya kadib marka ay dhaqangasho cusbooneysiinta la filayo ee Fall Crators Update ee lagu sameyn doono nidaamka window 10 ee la sugayo dhammaadka sanadkan.

Sida ay sheegayso jariidada The Guardian ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, waxaa jira tallaabooyin la mid ah oo ay ka qaadayso shirkaddu barnaamijyada kale ee Outlook Express, Reader iyo barnaamijyo kale.

Paint tool-ka ayaa ahaa mid astaan u ahaa computer-da dadbadanna ay aad u adeegsadaan waxa uu shaqeynay muddo 30 sano, waxaa la howlgeliyay sanadkii 1985 oo ahayd markii ugu horreysay ee la isticmaalo.

Si kastaba,  waxaa faraxad ah in shirkadda Microsoft ay sheegtay iney macaashiisheeda ugu bedeli doonto barnaamijyo kale oo ka hormarsan oo la yiraahdo Paint 3D.

Maandeeq FM

Related Articles

Close