JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Dalxiiska Buugaagta: Ha Kala Qeybin Farqiga

Barnaamijka dalxiiska buugaagta waa mid todobaadle ah oo aan kolba idinku soo gudbinno mid ka mid ah buugaagta aan is leenahay waxbaa laga faa’id karaa oo hadana helitaanka dhanka suuqana ugu sahlan. hadaba maanta waxaan idin soo gudbineynaa buug la yiraahdo Never Split The Difference oo ka hadlay fanka gorgortanka.

Buugga Never Split The Difference (Ha kala qeybin farqiga), Waxaa qoray CHRIS VOSS Waa Prof. Cilmiga gorgortanka ah oo wax ka dhiga jaamacadda Georgetown University’s McDonough School of Business, Waxay buuggan wada qoreen Tahl Raz oo ah qoraa iyo saxafi sanadkii sanadkii 2016.

Waxyaabaha muhiimka ah ee uu ka hadlay waxaa ka mid ah, in noloshu ay tahay gorgornno ay muhiim tahay in loo diyaar garoobo, waxa uu lagama maarmaan u yahay, ayuu leeyahay, marka aad dooneyso inaad iibsato, guri, gaari amaba aad ka gorgortameyso dhinacyo kala duwan ee noloshaada ah.

Kitaabkan ayaa kaa garabsiinaya inaad horumariso caqligaaga caadifadeed. Waxa uu kuu soo gudbinayaa qaabka aad uga qeybqaadaneyso dood kasta oo dhanka gorgortanka ah ugana adkaan karto.

Waxa uu soo bandhigayaa 9 mabda’ oo aad si fiican ugu qancin karto noloshaada muhnadeed iyo tan shakhiyadeed ee kuu gaarka ah.

Chris Voss, waxa uu ku howlgalay gorgortame caalami ah ee dhinacyada dadka la qabafaasho ee madaxfurashada loo haysto ee FBI-da Mareykanka.

Waxa uu kitaabkiisa kaga hadlayay hibooyinka garabsiiyay inuu badbaadiyo nafta dadbadan isla markaana uu agfariisto dad aad u khatar badan oo tuugo iyo gangs ah u badan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close