WararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Dhaqangelisay Muqarar Cusub

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa Khamiistii ku Dhawaaqay iney dhaqangelinayso muqarar cusub oo u gaar ah dugsiyada sare ee Maamulkooda.

Munasabad ay si wadajir ah uga soo qeybgaleen madaxda sare ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa lagu daahfuray muqararka cusub ee dugsiyada sare ee Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Abshir Yuusuf Awciise, ayaa ka hadlay muhiimadda uu manhaj uu u leeyahay ummad iyo inuu yahay qalbiga waxbarashada:

 “Waxaa mahadweyn halkan uga soo celinayaa manhajkaa quruxda badan intii ka qeybqaadatay oo wasaaradda waxbarashada ugu horreyso, Mercy Corps iyo USID oo iyaguna ganacanta ka geystay, waxwalbaaba qalbi bay leeyihiin, noolaha xubinta ugu qaayaha badan waa wadnaha ayaa la yiraahdaa, manhajku waa waxbarashada qalbigeedii, haddii manhaj aanuu jirin dugsi sare iyo jaamacado ma jiri lahayn, manhajku waa wax isla bedela xilliga iyo wakhtiga”, ayuu yiri, wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland.

Dhammaan guddoomiyeyaasha Waxbarashada Gobollada Puntland ayaa la faray xaqiijinta dhaqangalka manhajka cusub ee dugsiyada sare ee Puntlan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Putland Pro. Abshir Yuusuf Aw Ciise ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta wasaaraddiisa 11.June.2017 ku caddeeyay in aaney qeyb ka noqon doonin manhajka mideysan ee ay diyaarineyso xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

puntland, muqarar cusub 2

Maandeeq FM

Related Articles

Close