arrimaha bulshadaWararka

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Waxbarashada ka Joojisay 256 Arday oo Si Sharcidarro ah Ku Fadhiyay Dugsiga Sare

Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa waxay soo saartay  warqad waxbarashada looga joojinayay arday si sharci darro ah wax uga baraneysay dugisyada sare ee Maxamuud Axmed Cali iyo Al-jasiira.

Warqaddan ayaa waxaa soo saaray wasiirka wasaaradda Cabdullaahi Ibraahim Hobane, waxayna si toos ah ugu socotay maamullada labadaa iskuul oo loogu sheegayay iney waxbarashada ka joojiyaan arday gaareysay illaa 256 arday oo qaarkood ay ku dhaceen imtixaankii dugsiga dhexe halka  kuwo kale lagu haysto inaaney soo marin nidaamka waxbarasho ee dugsiga dhexe.

Warqadda ayaa waxay u qorneyd sidan:-

Ku: Guddoomiyaha Waxbarashada G/Maroodi-Jeex Bari                   Hargeysa

Ku: Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Gaarka ah                                         Hargeysa

Ku: Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Sare                                                   Hargeysa

Ku: Maamulaha Dugsiga Sare ee M.A.Cali                                                     Hargeysa

Ku: Mulkiilaha Dugsiga Sare ee Al-jasiira                                                     Hargeysa

Og: Xafiiska Guud ee Imtixaanaadka                                                      Hargeysa

Og: Agaasimaha Waaxda Kormeerka ee W. W. & T. Sare                      Hargeysa

 Og: Agaasimaha Guud ee W. W. & T. Sare                                                    Hargeysa

 Og: Wasiir Ku-xigeenka W. W. & T. Sare                                                     Hargeysa

 Og: Wasiiru-Dawlaha W. W. & T. Sare                                                           Hargeysa

 Og: Wasiirka Arimaha Gudaha JSL                                                                  Hargeysa

 Og: Wasiirka Madaxtooyada JSL                                                                      Hargeysa

 Og: Madaxweyne Ku-xigeenka JSL                                                                   Hargeysa

 Og: Madaxweynaha JSL                                                                                       Hargeysa

Ujeeddo: Ka-Joojin Arday Sharci Daro Ku Dhigata Dugsiyadda Sare ee M.A.Cali & Al-jasiira

Sida laga wada warqabo kormeero & baadhis joogto ah ayaa laga fuliyay Gobolladda Dalka JSL, kuwaasi oo lagu hubinaayay tayadda waxbarashadda sanad-dugsiyeedkii 2015/2016/2017. Sida aynu wada ogsoonahay waxa wiiqay tayadda waxbarashadda arday aan soo-marin jaran-jaradii waxbarashadda ama dhacdayba oo hadana dugsiyadda sare iyo jaamacaddaha gala, loona ogolaado iyada oo aan wax shahaado ah lagu xidhin.

Haddaba, si ay wasaaraddu wax uga qabato arintaasi waxa si rasmi ah loo gudo-galay sifaha ay ardaydu ku fadhiisato dugsiyadda. Kormeerkii guud waxa uu soo xaqiijiyay in ardayda dhiganaysay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali fasaladiisa 1aad 2016/2017 ay dhamayd 295 (laba boql iyo shan & sagaashan) arday, waxa shahaado haystay oo la xaqiijiyay 170 (boqol iyo toddobaatan) arday oo keliya, waxana shahaado la’aan ku fadhiya 125 (boqol iyo shan & labaatan) arday. Sidoo kale isla dugsigaas ardaydiisa fasaladda 2aad iyo 3aad ee sanad-dugsiyeeka 2016/2017 waxa ay dhamayd 112 (boqol iyo laba & toban) waxa sharciyad ku fadhiyay oo keliya 20 (labaatan) arday, inta aan sharci ku fadhiyin ee aan imtixaankii horena ku jirin waxa ay dhamayd 92 (laba iyo sagaashan) arday.

Dugsiga sare ee Al-jasiira waxa fasalka 1aad ee sannad-dugsiyeedka 2016/2017 arday tiradoodu dhan tahay 120 (boqol iyo labaatan). Sida ay kormeerku soo xaqiijiyeen waxa sharci haystay oo keliya 26 (lix iyo labaatan) arday, halka ay sharci-daro ku fadhiyeen 94 (afar iyo sagaashan) arday. Dhinaca kale, ardayda fasalada 2aad iyo 3aad ee sannad-dugsiyeedka 2016/2017 waxa sifo aan sharci ahayn ku fadhiyey 61 (kow iyo lixdan) arday.

Ardaydani aan kor ku soo sheegnay ee aan sifo sharci ah ku fadhiyin dugsiyadda ujeeddada sare ku xusan markii laga baadhay go’aankii imtixaanka ee sannad-dugsiyeedkii 2014/2015 iyo 2015/2016 iyo kuwii ka horeeyayba, isla-markaasna sannad-dugsiyeedkani 2016/2017 kii ku fadhiistay shahaadada la’aan, waa laga joojiyay in ay dib uga mid noqdaan ardayda labada dugsi, ilaa inta ay keenayaan caddaymo loogu ogolaan karo  ka mid noqoshada dugsiyadaasi iyo fasallada ay ku jireenba.

Haddii caddaymahaas la waayo, looma aqoonsana arday, wax xaquuq ah oo ay wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ku yeelanayaana ma jirto. Xafiisyada ay khusayso ee wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare waxa la farayaa in ay ku camal falaan go’aankani, hubaal-celina ka keenaan helitaanka wareegtadani.

Maandeeq FM

Related Articles

Close