arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Gaari Wadista Badan oo Waxyeello U Geysata Maskaxda

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in wakhti badan oo lagu qaato gudaha gawaarida iney saameyn taban ku yeelato caqliga aadanaha.

Sida lagu soo daacay wargeysa Sunday Times,  daraasaddan oo laga sameeyay gudaha UK ayaa lagu sheegay  in ka badan Labo Saacadood oo Maalintii ah oo lagu qaato gudaha gaari uu hoos u dhigayo heerka caqliga maskaxda, gaar ahaan dadka darawallada ah ee cimriga dhex dhexaadka ah maraya.

Khubarada cilmibaarista sameeyay ayaa wargeysa u sheegay in darawalnimada ay tahay shaqo dhanka jirka ah iyo caqli oo isla socda, waxaa dhacaysa in mararka qaar ay keento daal iyo walwal farabadan oo hoos u dhigaya shaqda wanaagsan ee maskaxda.

Rosa Sancho oo ah cilmibaare ayaa iyadu dhaliil u soo jeedisay daraasaddan oo waxay tiri: ” Shaqda jireed iyo midda maskaxeed ee wada socota waxay nagu taageeraan inaan ilaashanno caafimaadka dhanka maskaxda, sidaa darteed waxaa ah arrin lala yaabo ah in darawalnimadu ay si aan wanaagsaneyn  u saameyso caqligeenna.”

Si kastaba, waxaa dhawaan soo baxday daraas kale oo tilmaamaysay in hawada gudaha gaadiidku ay aad uga wasakh badan tahay hawada dibadda, sidaa darteed dadka darawallada ah waxaa lagula talinayaa inaaney maalintii oo dhan gudaha gaadiidka  ku dhameysan ee ay yeeshaan wakhtiyo nasasho ah iyo qof kale oo ay is bedelaan xillayada qaar.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close