iskuulladaWararkaWaxbarashada

Dhalinyaro Heer Jaamacadeed ah oo Ka Hadlay Sababihii ay U Doorteen Ciidanka Booliska

Qaar ka mid ah aqoonyahanka dhameeyay jaamacadaha dalka ayaa doortay iney ku biiraan ciidanka booliska iyagoo sheegay sababo kala duwan oo ku kalliftay iney doortaan ciidanka.

Sida aan ka soo xigannay warbaahinta dowladda, aqoonyahanno kala duwan ayaa sanadadii dambe door biday iney ku biiraan ciidanka Booliska, waxaana ka mid ah Cabdullaahi Sheekh Axmed, Fardowso Cabdullaahi Abtidoon iyo Nasri Axmed Maxamed.

Cabdullaahi Sheekh Axmed oo ah hadda askari ka tirsan ciidanka Booliska ayaa aaminsan in aqoonyahanka ciidanka ah inaan sina lagu dagi karin caqligiisuna uu dhameys tiran yahay:

“Waxaan soo bartay Bachelor of Human resources and management aqoontaydiina Booliska ayaan ku soo biiriyay, dhinac kastana waan u shaqeyn karaa hadday noqoto tii xoogga looga baahnaa iyo haddii ay noqoto tii xafiiska looga baahnaa, haddii aqoontaadu dhisan tahay caqligaaguna waxa uu noqon karaa mid buuxa si kastana laguuma dagi karo, adigoo wadaniyadaada ku shaqeysanaaya ayaa aqoontaantaada ku shaqeysan kartaa”.

Fardowso Cabdullaahi Abtidoon ayaa dhankeeda aaminsan iney dooratay in jiilka dambe ay helaan mustaqbal wanaagsan sidaasna ay ku xulatay iney ku biirto Booliska:

“Anigoo ah ardayad jaamacad dhameysay  ayaan waxaan go’aansaday inaan ku biiro ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sababtoo ah waxaan jeclahay dhibaatooyinka aan anigu soo arkay inaaney arkin jiilka aniga iga dambeeyana ay ku noloodaan dowladnimo qurux badan”.

Nasri Axmed Maxamed ayaa sheegay in shaqooyin fiican heli karay mihradda saxaafadana uu ku shaqeeyay laakiin fursad uu ka arkay in ciidanka looga baahan yahay dad aqoonleh:

“Markii aan jaamacadda soo dhameystay qofkastaaba han ayaa ku jiray, aniga hankeygu waxa uu ahaa inaan mar un u shaqeeyo qaranka Soomaaliyeed, waxaan haystay fursado shaqo oo qurux badan, mihnadda saxaafadda ayaan ku shaqeyn jira, laakiin marka aan arkay fursadda looga baahan yahay ciidanka Booliska iney ku soo biiraan dad aqoon leh, waxaan gareystay in loo baahan yahay amniga Qaranka iney ka shaqeeyaan dad aqoon leh.

Gaashaanle sare Daahir Cabdulle Raag ayaa sheegay in ciidanka Asluubta ee uu ka tirsan yahay ay jiraan arday aqoonyahan ah oo ay tababaro dhanka dibadda ah u direen si ay u noqday barri dadkii ciidanka hoggaamin lahaa:

“Ciidanka Asluubta waxbadan bay tartay, dadkaas hadda waxay jiraa tababar, si loosoo baro qaabka hoggaamineed ee ay wax ku hoggaamin lahaayeen, mar haddii ay dhalinyaro dalka u soo baxday ay yihiin si ay u noqodaan mustaqbalkii iyo hoggaamintii ciidanka”.

Si kastaba, waxaa hadda muuqata iney jiraa dhalinyaro aqoonyahan ah oo doortay iney ku biiraan ciidanka Booliska, bedelka intii ay tahriibi lahaayeen oo meelo lama dagaan ah ay naftooda ku waayi lahaayeen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close