WararkaWaxbarashada

Waxbarashadii oo Inta Badan Dalka Dib Uga Bilaabatay & Xilliga Ay Bilaabaneyso Gobollada Qaar

Iskuulaadka waxbarasho ee dalka ayaa qaarkood  dib albaabada loogu furay waxbarashadiina ay  si toos ah uga bilaabatay, kadib Labo bilood oo fasax ah oo ay ardaydu soo qaateen.

Iskuulaadka waxbarasho qaarkood waxay waxbarashada bilaabeen isbuucii lasoo dhaafay halka kuwo kale ay shalay furmeen iyadoo isbuuca soo aaddanna la filay iney si toos ah waxbarashadii uga bilaabato guud ahaan dalka oo iskuulaadka harsanna la filayo.

Cabdisalaan Muuse Shaaciye oo ah maamulaha dugsiga al-Niileyn ayaa noo xaqiijiyay in waxbarashadii ay u bilaabatay Sabtidii Shalay waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Maanta(Shalay) waxaan dib uga soo noqonnay sanad dugsiyeedkii Cusbaa 2017/2018 ardaydu si rasmi ah ayay u soo wada noqdeen, dhammaana waxbarashadii dib ayaan u bilownay, waa farxad weyn iyo reynreyn. Xaqiiqatan sanad dugsiyeedkan waa uu ka duwan yahay sanad dugsiyeedkii hore”.

Dhanka kale, Maxamed Xuseen oo isna ah maamulaha iskuulka Baydhabo Janaay ayaa tilmaamay in ardayda intooda badani ay dib ugu soo laabteen waxbarashada:

“Iskuulkii jawi fiican ayaan ku furnay ardaydii way timid, waxaan leenahay sanad wanaagsan ku soo dhawaada, mar haddii waxbarashadu bilow tahay ardaydu ma wada imaanayaan inta badan laakiin 90% way imaadeen”.

Madaxa waaxda waxbarashada gobolka Awdal, Prof Jeeke Cismaan Ciye oo shalay saxaafadda la hadlay  ayaa ku dhawaaqay xilliga ay bilaabmeyso waxbarashada dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay:

“Waxaan iclaamineynaa maanta in dugsiyadii la galayo public iyo private labadaba, sare iyo hoose bisha Sideedaad 5-teeda Sabtida dambe”.

Ugu dambeyn, Waxaa bilowday waxbarashada sanad dugsiyeedka cusub ee 2017/2018 kadib Laba bilood oo nasasho ah oo ay ardaydu soo qaateen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close