arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Aragtida ah Inuu Dhulku Fidsan Yahay oo Mar kale Dib u Soo Noolaatay…Dadka Aaminsan Sidey Ku Difaacayaan?

Xilliyadii dambe waxaa aad isku soo tarayay dadka aamisan aragtida ah in dhulku uu yahay mid fidsan, arrintaas oo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada, iyadoo muuqaallo sawir ah oo lagu sharxayo inuu dhulku fidsan yahay lasoo galiyay baraha sida Yutube-ka oo kale.

Sidee aragtidani Markeedii Hore Kusoo Baxday?

Waxaa xilliyadii hore dadku ay aaminsanaayeen in dhulku yahay mid fidsan oo sidii cajaladda CD oo kale ah, laakiin fikraddaasi waxay meesha ka baxday Qarnigii Lixaad ee milaadiga ka hort, kadib markii ay soo shaacbaxday in dhulku yahay mid sidii kubadda oo kale ah iyadoo qarnigii Afaraad ee milaadiga ka hor firkaddaa loo batay, xilli kastaba se waxaa  jiray dad  aaminsanaa in dhulku yahay mid fidsan si kastan looga dhaadhicin kari waayay inuu yahay mid wareegsan oo sidii kubadda oo kale ah.

Xiligii qarniyada dhexe ee Yurub, sida dadka aaminsan inuu dhulku fidsan yahay ay qabaan, Columbus kaligii ayaa ahaa qofka aaminsan in dhulku yahay mid sidii kubadda oo kale ah, xilliyada uu safaradda galo dadku waxay u sheegi jireen inuu mar un jar ka dhici doono kadib marka uu gaaro meesha uu dhulku ku dhamaado.

Hadab, waxaa jira xilliyadii kala duwanaa isku dayo lagu xaqiijinayo in dhulku yahay mid fidsan, qarnigii tagay ayaa waxaa jiray qoraaga caanka ah ee u dhashay  dalka Ingiriiska oo la yiraahdo Samuel Shinton ayaa aasaasay “Jamciyada Fidsanaanta Dhulka” la yiraahdo, markii uu geeriyooday sanadkii 1972 waxaa jamciyaddii la wareegay Charles Kenneth Johnson oo makaanig diyaaradeed ahaan, iyadoo jamaciyaddu ay noqotay mid ay taageeraan dad aad u farabadan.

Jonson’s markii uu geeriyooday sanadkii 2001 ayaa tirada dadka jamciyadda taageeri jiray ay noqdeen 100 xubnood oo qura, sanadkii 2004 ayaa madaxa cusub ee jamciyadda oo la yiraahdo Daniel Shinton uu aasaasay website fikraddan lagu taageerayo.

Si kasta, dadka firkadda fidsanaanta dhulka ah aaminsan ayaa sheegaya in wakaaladda cirbixiyeenka ee NASA sheekooyinka ay soo werineyso ee ah in hawada sare la gaaray ay tahay arrimo aan sax ahayn been badanna dadka loo buunbuuniyo si loo rumeysto, waxay sheegayaan in sirtu tahay lacagaha faraha badan ee mashaariicda hawada sare ku baxaya oo ah sababta beentaa faraha badan loo dhoodhoobayo. isla markaana aaney suurtogal ahayn in xayndaabka dhulka laga baxo.

Daawo Muuqaalkan

Maandeeq FM

Related Articles

Close