WararkaWaxbarashada

Somaliland: Maamulaha Iskuulka M.A.Cali oo Shaqadii Laga Eryay

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa xilkii ka qaadday maamulaha dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ee magaalada Hargeysa kadib markii iskuulka lagu arkay arday badan oo sharcidarro ku dhigatay dugsiga sare.

War uu daabacay wargeyska Geeska ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa qoray in wasaaradda waxbarashada Somaliland ay Sabtidii xilka maamule-nimo ka xayuubisay maamulaha Iskuulka ee Cali Axmed Balayax, iyadoo sababta xilka qaadistiisu ay la xiriirto kormeerka wasaaradda oo helay arday si sharcidarro ah ku dhiganeysay iskuulka oo la waawey faylkoodii hore amaba la xaqiijin waayay iskuulkii dhexe ee ay soo mareen.

Kormeerka wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa xaqiijiyay in iskuulka Maxamuud Axmed Cali ay fadhiyeen arday 125 arday ah oo si sharcidarro ah ku fadhiday dugsiga sare. Sidaa darteed warqad 28 bishan kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda Cabdullaahi Ibraahim Hobane  ayaa waxbarashadii looga joojiyay arday gaareysay illaa 256 arday oo si sharcidarro ah ku dhiganeysay iskuulaadka Maxamuud Axmed Cali iyo Al-jasiira.

Si kastaba, Howlgallada kormeerka ah ee ay waddo wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa ah kuwo lagu xaqiijinayo tayada waxbarashada laguna dagaalamayo musuqmaasuqa, waa sida uu marar badan ku celceliyay wasiirka wasaaraddaas.

Maandeeq FM

Related Articles

Close