DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Tirada Ardayda Soomaaliyeed ee Wax Ka Barta Jaamacadda Harvard oo Sii Kordheysa

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadda Harvard oo ah jaamacadda dunida ugu weyn ayaa xilliyadii dambe kor u sii kacday iyadoo ay jiraan arday deeq waxbarasho ka helay jaamcadda iyagoo jooga gudaha dalka.

Cabdisamad Aadan waa ardaygii ugu horreeyay ee deeq waxbarasho ka hela jaamacadda Harvard, waxa uu wax ka baraneyay iskuul ku yaalla magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo Iskuulka Culuumta iyo Teknoloojiyadda ee Abaarso Tech.

CBC radio ayuu Cabdisamad uu u sheegay “Waligey kuma riyoon inaan Harvard wax ka baran doono amaba jaamacado kale oo u dhigma”.

Waxaa jira arday kale oo deeq waxbarasho ka helay jaamacadda oo gudaha Mareykanka kaga soo biiray, markii ay sameeyeen dadallo badan oo ay jaamacaddaa qiimaha sare leh ay ku gaareen.

Dr Siciid Aadan oo ah macallin ka tirsan jaamacadda Harvard qeybta dhaqanka iyo luqadaha Afrika ayaa sheegay in jaamacadda lagu barto Af-Soomaaliga oo wax lagu baro arday Soomaaliyeed oo aan waligood arkin Soomaaliya iyo waliba kuwa kale oo jaanib ah.

Tirada ardayda Soomaaliyeed ee jaaamcadda dhigata ayaa hadda lagu qiyaasaa illaa 10 arday, halka Afar sanno ka hor ay ahaayeen Laba qof oo kaliya.

Jaamacadda Harvard University ayaa ka mid ah jaamacadaha ugu wanaagsan uguna heerka sarreeya dunida iyo dalka Mareykankaba, waa jaamacadda dunida ugu weyn dhinaca badka ay ku fadhido, qalabka yaalla iyo sida loo diyaariyay, waxay ku taallaa magaalada Cambridge ee gobolka Massachusetts ee Mareykanka, waxaa aasaasay John Harvard sanadkii 1636 si ay ula tartanto jaamacadaha Cambridge iyo Oxford ee dalka Ingiriiska.

Maandeeq FM

Related Articles

Close