arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo War-saxaafadeed Kasoo Saartay Kaniisad La Sheegay In Laga Hirgelinayo Somaliland

Wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay Kaniisad la sheegay in laga Hirgelinayo Somaliland oo dood badan ka dhex dhalisay shacabka gudihiisa.

Wasaaradda ayaa caddeysay in Dastuurka Somaliland aanuu ogoleyn in diin aan Islaam ahayn lagu dhex faafiyo gayiga Somaliland isla markaana aaney suurtogal ahayn in Kaniisad diinta masiixiga lagu faafiyo laga hirgeliyo Somaliland.

War-saxafaadeed oo uu ku saxiixnaa wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed ayaa u qorneyd sidan:-

 

w.diinta Somaliland

Si Kastaba, waxaa buuq badan iyo dareen dadka kiciyay kadib markii haweenay la yiraahdo Mariane Vechione oo Somaliland booqatay ay madal looga hadlayay shaqada mutadawacnimada ah ka sheegtay in Somaliland ay u timid iney furto kaniisad dadka Catholic ah loogu talogalay oo muddo 30 sano ah xirneyd, howshaa ay Hargeysa u tagtayna ay arrintaasi ugu weynayd tahay, iyadoo waliba si aan gambasho lahayn u tilmaantay in xukuumadda Somaliland u ogolaatay arrintaa maadama ay ictiraaf doon yihiin in la aqoonsadana ay ka doonayaan bulshada caalamka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close