WararkaWaxbarashada

10 Arday ee Ugu Sarreeyay Imtixaanka Mideysan Qaarkood oo Dareenkooda Deeqaha Waxbarasho Nala Wadaagay

Labada arday ee kala ah Bashiir Maxamed Xirsi iyo Cabdiqadar Cabdullaahi oo kaalmaha 1aad iyo 5aad ka galay imtixaanka midaysan ee DFS ee sanad dugsiyeedka 2016/2017 ayaa Maandeeq FM u sheegay dareenkooda faraxadeed iyo waxay ka filayaan fulinta ballanqaadka dowladda ee dhanka deeqaha loo yaboohay.

Bashiir Maxamed Xirsi Diiriye, oo kaalinta 5aad kusoo baxay ayaa ka hadlay dareenkiisa iyo inuu yididiilo wanaagsan ka qabo fulinta yabooha ay dowladdu u sameysay:

“Waan ku faraxsanhay minxada ay dowladdu na siisay, anigu rajo weyn ayaan ka leeyahay marka loo fiirsho dowladihii hore, dowladdan iney wexeedu ay yihiin wax dhab ah waxaa daliil u ah, waxaa lasoo wacay maalulaha guud ee  iskuulka aan anigu dhigto oo Muqdisho jooga ayaa lasoo wacay, lama aqbalin isaga’e waxaa la yiri maamulihii nagu xir wiilka, waxaana lagu yiri wiilkii iyo waalidkii ayaa lagaaga baahan yahay, tallaabooyinkaa ayaa na tusaya in dowladdani ballankii ay qaadday ay ka dhabeyn doonto, markii qofkastaa wixii uu doonayo uu dookhday ayaa waxay bulshada la soo socodsiiyeen wixii ay ardayda ku abaalmarisay”.

Waxa uu umahadceliyay waalidkiis, maamulka iskuulka, macallimiintiisa iyo cid kasta oo ku garabsiisay inuu heerkaa gaaro.

Cabdiqadar Cabdullaahi Salaad  Colow oo kaalinta 1aad galay sanadkan ayaa sheegay in deeqda dalalka India iyo Ruushka ay labadaba caafimaad aanuu ku jirin sidaa darteedna uu ku khasbanaa xulashada dalka Shiinaha, maadaama wixii uu rabay uu ahaa caafimaad inuu barto:

“Walaal sax weeyaan Shiinahana mar kasta dookheyga ayuu ahaa, Dowladda ayaa waxay shardi nooga dhigeen India iyo Ruushka qofkii aadaya iney Caafimaad baran karin, qofkii Shiinaha aadayaana waxwalba ay u furan tahay, dookheygu waxa uu ahaa caafimaad inaan barto, maadaama Shiine oo kaliya uu ka furan yahay sidaas ayaan u doortay”.

Waxa uu sheegay inuu wax badan dalka u soo celin doono, waddanka aan tagaynno waxay waddanka dheeryihiin ayaa dib ugu soo celindoonnaa ayuu yiri, Cabdiqadar.

Si kastaba, Warqad ka soo baxday xafiiska  wasiirka wasaradda waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan 30.07.2017, ayaa lagu sheegay iney 10 arday ee sanadkan kaalmaha hore ka galay imtixaanka Qaranka ay xusheen dalaka Shiinaha oo ay ku qaadan doonaan waxbarashadooda heerka Jaamacadeed, iyadoo looga fadhiyo fulinta ballaanqaadkaa ardayda ay u sameeyeen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close