UncategorizedWararkaWaxbarashada

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Wasaaradda Waxbarashada DFS oo Ka Dhacay Caabudwaaq

Banaanbax  laga soo horjeedo Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Maanta  Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Maamullada Iskuullaadka , Waalidiin iyo ardayda ku dhaqan magaalada Caabudwaaq, iyadoo dibad baxayaasha ay ku qeylinayeen erayo ay ka mid ahaayeen “Musuq dooni mayno, Caddaalad darro dooni mayno” oo ay ku dhaliilayeen Wasaaradda Waxbarashada DFS.

Waxay kaga cabanayeen musuq-maasuq ay sheegeen in Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ay ku sameeyay sixidda imtixaankii Qaran, kaas oo natiijadiisa la shaaciyay todobaadkii Hore.

Maamuladda iskuuladda Caabudwaaq oo qaarkood ka hadlay dibadbaxa ayaa xusay in aan la saxin Imtixaankii laga qaaday ardayda, lana faafiyay  natiijooyin aan sax ahayn. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbasharada Soomaaliya ayay sheegeen in ay kala hadleen arintaasi, inkastoo aysan ka helin jawaab qancisa sida ay tilmaameen.

Guddoomiyaha guddiga Waxbarashada Caabudwaaq Xasan Axmed Diiriye ayaa ka hadlay sababta dibadbax keentay iyo cidda ka dambeysa waxaanuu yiri:

“Banaanbaxa markaan u galo waxay ahayd arday cabaneysay oo Imtaxaankoodii sida loo saxay ka cabanaayay, maxaayeelay xaqiidii markii hore imtixaanka sida loo saxay markii hore sidii uu u qornaa baa lagu saleeyay, website-ka wasaaradda ayaa lagu shaaciyay, ardaygu ugu sarreeyay buunadii ayuu ugu sarreeyaa ardaygii ugu hooseeyaana wuu ugu hooseeyaa, ka bacdi wasaaradda waxbarashadaaan la hadlanay waxaan niri waxani saxitaan maahan, labo maamlmood baa laga saaray, waxaan sugaynay in si wanaagsan naloogu soo geliyo, waxaa la sameeyay in arday walba boos laga jaray oo la isku dhex yaaciyay, haddaad u fiirsatay ardaygii kaalinta 1300 ku jiray baa wuxuu ku jiraa kaalinta 1aad,  arday kaalin sare ahna waxa uu ku jiraa meesha ugu dambeysa, wixii bay isku dhexyaaciyeen, kaalmihii ma saxna,  markaa ardaydii ka cabaneysay imtixaankooda sidii loo galay ayaa dibad baxa soo qabanqaabiyay”.

Waxaan isku daynay inaan la xiriirno Wasaaradda Waxbarashada DFS, si ay uga jawaabaan eedaymahan loo soo jeedinayo ee daahfurnaanta sixidda imtixaanaadka ah, laakiin noomay suurtogelin inaan xiriirkaa helno.

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Ibraahim Xasan Guureeye oo 18.July.2017 wareysi siiyay Maandeeq FM ayaa ku dhaliilay Wasaaradda Waxbarashada DFS iney shaqadeedu ay gaabis tahay xilli uu markaa ku dhaliilayay dib u dhaca natiijada imtixaanka oo  muddo Laba bilood ah laga war dhowrayay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close