arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Buundada Ugu Dheer Dunida oo Laga Hirgeliyay Dalka Switzerland

Dalka Switzerland ayaa Axaddii laga furay Buundada adduunka ugu dheer oo loogu kala soconayo dusha sare ee buuraha Alps iyo deegaanno ka tirsan dalkaas.

Buunadana ayaa dhirirkeedu gaarayaa 1620 feet(493.7 mitir), dhulkana waxay ka fog tahay 278 feet(84.7 mitir), waana sida  jariirada Daily Mail ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ay qortay.

Buundana ayaa loo dhisay iney isku xirto tuulooyinka “Zermatt” iyo “Gretchen” ee gobolka Randa ee gudaha dalka Switzerland. Iyadoo buunadada lagu magaacabay buundadii Yurub, waxaana loo dhisay si loogu bedelo buundo hore oo qadiimi ah oo ay adeegsan jireen dadka deegaannadaa aan soo sheegay u kala tallaabaya.

Europe Bridge ayaa ku biiraysa buundooyinka ugu caansan adduunka ee ay ka mid yihiin buundooyinka kal ah, Banpo oo ku tallaa Kuuriyada Konfureed,  buundada Yangtze ee dalka Shiinaha, buundada Charles ee dalka Prague iyo Mackinac ee dalka Mareykanka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close