WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada DFS iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Dalka Suudaan

Wafdi uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare  Cabdi Daahir Cusmaan ee DFS ayaa gaaray dalka Sudaan maalinimadii kadib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Wasaaradda Waxbarashada Suudaan.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa wehelinayay, Agaasimaha Wasaaradda Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo Madaxa madaxa Guddiga hoosaadka Horumarinta adeegga bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliye, xildhibaanno iyo Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar, guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.

Mas’uuliyiintan ayaa markii ay dalka Suudaan gaareen waxaa halkaaa kusoo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tacliinta Sare ee Sudaan, Maamulaha Jaamacadda Afrika, diblumaasiyiin ka socotay safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan oo uu ka mid ahaa safiir Maxamed Cabdullaahi Ugaas.

Sida aan kasoo xigannay Wakaaladda Wararka ee Sonna, Wasiirka Waxbarashada DFS ayaa sheegay in sababta safarkoodu uu la xiriirto casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Wasaaradda Tacliinta Sare ee Dalka Suudaan.

Sanad walba xilliyadan oo kale dowladda Suudaan waxay ardayda Soomaaliyeed siisaa deeq waxbarasho oo ay ka faa’ideystaan illaa 200 oo arday Soomaaliyeed ah. Iyadoo la ogyahay in dalka Suudaan uu yahay dalka ugu ballaran ee arday Soomaaliyeed ay wax ka barato Tobonaankii sanno ee ugu dambeysay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close