CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Cilmibaaris: Kubadda Cagtu Waxay Hagaajisaa Koritaanka Lafaha Caruurta

Cilmibaaris ay sameeyeen culumo ka tirsan jaamcadda Exeter ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ciyaarista Kubadda Cagta ay hagaajiso heerka koritaanka lafaha ee ilamaha yar.

Tiro ka mid ah khubarada caafimaadka ayaa tilmaamaya in Sports oo ay ciyaalku ciyaaraan xilliyada hore ee koritaankooda ay faa’iido badan dib ugu celinayso caafimaadkooda, halka kuwo kalena ayba leeyihiin in Sports-ku uu hagaajiyo korintaanka lafaha waxaa u sii dheer inuu adleeyo carjawyada cudurada lafaha qaarkoodna uu difaac u noqdaan.

Culumada jaamcadda Exeter waxay yiraahdeen : “Intii aan ku dhex jirnay daraasaddan koritaanka caruurta ku saabsan waxan si gaar ah ula soconnay xaaladaha caruur da’doodu u dhaxayso 12-14 sano, waxaan u qeybinnay labo kooxood; tan Koowaad waxay ka koobnaayeen koox sameysa noocyada kala duwan ee Sports-ka sida dabaasha, kaxaynta baaskiillada (Bushkuleeti) iyo ciyaarista kubadda cagta, halka kooxda Labaadna ay ka koobneyd arday jeclaa iney guryahooda iska joogaan xilliyada ay firaaqada yihiinna aan wax shaqo jir ah sameynayn”.

Kadib markii ay cilmibaaristu dhamaatay waxaa caddaatay in caruurtii Sports-ka ciyaareysay ay ka korriin fiicnaadeen kuwii kale ayna ka lafo adkaadeen. Waxaa kale oo cilmibaarayaasha u soo baxday in caruurta Sports-ka ciyaartaa ay uga adkaysi bateen asaagood cuduradda neerfaha iyo kuwa ku dhaca kala goysyada jirka.

Ugu dambeyn, Khubaradan ayaa ku talinaysa in caruurta loo ogolaado Sports-ka iney ciyaaraan maadaama uu qeyb wanaagsan ka qaadanayo koritaankooda mustaqbalkooda dambena u wanaagsan yahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close