WararkaWaxbarashada

Iskuul Lagu Baranayo Air Aviation-ka Diyaaradaha oo Laga Furay Hargeysa

Iskuul lagu baranayo culuumta diyaaradaha ee Air Aviation Academy ayaa si rasmi ah looga furay Magaalada Hargeysa.

Dugsigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah ee laga hirgeliyo guud ahaan gayiga Soomaaliya, ardayda iskuulkan wax ka baraysa ayaa la sheegay iney qeybta Practical-ka ah ay kusoo qaadan doonaan Koonfur Afrika.

Dugsiga waxaa hareer socda shirkad duulimaad oo la yiraahdo Moon Air Aviation Company oo duulaamadyo gudaha ah ku tagaysa gobollada kala duwan ee Soomaaliya qaarkood iyo Wadamada Jabouti iyo Yemen gaar ahaan magaalada Cadan.

iskuul cusub oo culuumta hawada ah

Maandeeq FM

Related Articles

Close