WararkaWaxbarashada

Tusaalaha Odayga Soomaaliyeed ee Aaminsan Iney Aqoontu Tahay Tan Kaliya ee Lagu Kala Sarreeyo

Maxamuud Caddow Xasan oo ah 60 jir ka qalinjabiyay Jaamacadda Green Hope ee magaalada Muqdisho isagoon marna is oran xilligan wax ma baran kartid amaba waa la dhaafay xilligii aad waxbaran lahayd.

Maxamuud Caddow Xasan oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Maandeeq ayaa ugu horreyn ka hadlay Kulliyadda uu hadda ka qalinjabinayo iyo inuu xilli kasta ku taami jiray inuu waxbarashadiisa dhameeyo:

“Waxaan ka qalinjabinayaa jaamacadda Green hope faculty Criminology security Study, Maanta waxay ii tahay maalin weyn maalintaan 15 sano gaaray oo aan qaangaaray hamigeygu waxa uu ahaa inaan waxbarashadayda horey u sii wado gudaha ha ahaato amaba bannaanka ha ahaato”.

Waxa uu ka hadlay da’diisa iyo sababtii uu waxbarashada Yaraantiisii uga dib dhacay:

“Ninweyn ayaan ahay waxaan dhashay 1957 dii, muddo dheer ka hor ayaa waxbarashadii iga kala go’day, haddii qofku agoonyahay qofna ku hageyn waxaad, illaa xad waxbaan bartay markale ayaa dib ugu soo noqday, meelo kala duwan oo dowladda ahna waan kasoo shaqeeyay,    ama ha noqoto dowladdii hore ama ha noqoto hay’adaha Hanuman terrain-ka ah ee samafalka”.

Waxa ka hadlay sida agtiisa Soomaalinimadu qiimo uga leedahay, dadka waxa uu ku qiimeeyaana aaney qabiil ahayn:

“Waxaan jeclahay sidayda Soomaalinimada ma ku raaco qof qabiil, waxaan ku raacaa siday saaxiibtinimadiisu uu raalligeliso, waxaan jeclahay qofka baahan oo masaakiinka ah inaan kaalmeeyo, ma jecli markaan meel soconaayo in qofka nagu soo biiray uu yiraahdo waa qabiilkee aad ayaan u necebahay, waxaa inaga dhexeeya calankaa, waxaa u siman kii ku dhashay Jabouti kii ku dhashay Itoobiya kii ku dhashay Kenya in aan laka fadilin oo qof walba uu aqoontiisa shaqo ku helo calankaas ayaa inaga dhexeeya, dadka Soomaaliyeed dadyar waaye, dhulkeenuna waa dhulweyn, baddeenu waa midda ugu dheer Afrika, markaa dadka Soomaaliyeed waxa uu u baahan yihiin in meel la iskugu soo uruuriyo”.

Maxamuud waxa uu noo sheegay in hadda uu dalka isbedel ka muuqdo yididiilo fiicanna ay u muuqato:

“Hadda waxaan sugeynaa inuu dalka isbedelo waanad arki kartaa inuu isbedel muuqdo, Waxbarashadaan xiisaheedu ma jiri jirin, dhalinyaradaan nin walbaa qori ayuu watay. Soomaalidii waa lakala qoqobay qabiilkasta madaxweyne ayaa laga dhigay, markaa dowalad dhexe oo xooggan ayaa Illaahay ka barinay”, ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray.

Si kastaba, Dadbadan oo Maxamuud asaagiisa ah ayaa buux dhaafiyay maqaayadaha waddooyinka hareerahooda ka furan oo fadhi ku dirir, difaac iyo buunbuunin qabiil ,oo aan waxba lagu dheefayn dalka aan dan u ahayn ku jira, oo halkaa la fadhiya. halka Oday Maxamuud  uu tusaale wanaagsan u yahay odayga Soomaaliyeed ee waxbarashada aaminsan iney tahay tan kaliya ee lagu kala sarreeyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close