WararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada DF Soomaaliya oo Macallimiin U Dirtay Dalka Japan

Macallimiin ay dirtay Wasaaradda Waxbarashada DF  Soomaaliya ayaa u duulay dalka Japan si ay uga qeybgalaan aqoon kororsi ay bixisay hay’adda UNESCO- oo ah mid lagu baranayo qaabka nabadda loo dhaliyo.

Sidaas oo kale waxaa ka qeybgalaya macallimiin ka socda dalalka Itoobiya, Eretria, Kenya, Koonfurta Suudaan, Uganda iyadoo aqoon kororsiga ay kusoo qaadan doonaan Tokyo iyo Hiroshima.

War kooban oo ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada ayaa  uu u qornaa sidan:-

“Hay’ada UNESCO  ayaa tababar  u dirtay 3 qof oo ka mid ah waaxda tabarada Wasaarada Waxbarashada Hiddaha  iyo Tacliinta Sare ee Soomaali, dadkaan ayaa la soo baridoonaa habka nabadda loo xoojiyo waxa ayna u amba  baxeen dalka Jabaan”.

Maandeeq FM

Related Articles

Close