WararkaWaxbarashada

Culumada oo Bayaan 10 Qodob Ah Kasoo Saartay Kaniisadda catholic-ga  ah ee dib looga Hirgeliyay Hargeysa

Bayaan kasoo baxay culumada Somaliland ayaa looga soo horjeestay kaniisadda catholic-ga ee dib looga furay 30 sano kadib magaalada Hargeysa iyadoo bahda waxbarashadana lagu baraarujiyay iney ka taxadaraan hay’adaha Kaniisaddaa la xiriira ee si toos ah iyo si dadbanba u soo bartilmaameedsan doona nidaamka waxbarashada.

Bayaankan oo ka koobnaa 10 qodob ayaa waxaa saxaafadda u akhriyay Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre oo ay garab fadhiyeen Sheekh Maxamed Cumar dirir iyo culumo kale oo aad looga yaqaanno Somaliland, waxaanuu u qornaa bayaanku sidan:-

1 –  Waxaa shareeco ahaan reeban oo aan banaaneyn in dal Islaam ah laga dhiso Kaniisad iyo wax la mid ah ee ay Gaalo wadato, Islaamkana lid ku ah sida ay qabaan culumada Islamaamka oo ay shaaficiyiintu kow ka yihiin. Sida ku cad kitaabka Minhaajka oo ay Soomaalidu aad u taqaanno.

2 – Marka aynu ognahay in Kaniisadda Katoligga ah ee magaalada Hargeysa ku taalla gumeysigii Ingiriisku ku dhisay sharcidarro iyo juujuub ma banana in dayactir lagu sameeyo oo la howlgeliyo.

3 – Waxaa reeban in Ummad Muslim ah dhexdeeda lagu fidiyo diin aan Islaam ahayn.

4 – Wax maslaxad adduunyo iyo mid aakhiro toona oo ummadda reer Somaliland ugu jirta Kaniisad dhexdooda laga furaa ma jirto.

5 – Looma cuskan karo, daliilna uma aha, si dalkeenna Kaniisad looga furo in la yiraahdo wadamada Gaaladaba waxaa ka jira Masaajid uu Islaamku leeyahay Islaamku waa diinta xaq ah ee Alle raalli ka yahay oo bedeshay dhammaan diimihii hore.

6 – Waxaan xukuumadda Somaliland ka codsaneynaa iney ka noqoto wixii ay heshiis gashay ee ay la gashay hay’ado iyo cid gaar ah oo ku saabsan Kaniisadda hadday jiraan.

7 – Waa in hay’adaha waxbarashada dalka iyo kuwa samfalku ay iska ilaaliyaan oo aaney howlgelin cidkasta oo wadatada howlo guracan sida fidinta diin aan Islaam ahayn iyo dhaqan xumo.

8 – Ummadda reer Somaliland waxa aanu dareensiineynaa in ay lagama maarmaan tahay dantooduna ku jiro midnimada wadajirka iyo xasilloonida.

9 – Waxaanu ugu baaqayna reer Soomaaliland in la ilaaliyo nabadgalyada iyo in laga fogaado wax kasta oo khalkhal gelinaya xasilloonida iyo wadajirka.

10 – Waxii arrimo la xiriira dhinaca diinta  waa in bulshadu ka qaadato culumadooda ay yaqaanaan ee u taagan faafinta iyo ilaalinta diinta.

Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Somaliland oo 30.July.2017 war-saxaafadeed soo saartay ayaa caddeysay in Dastuurka Somaliland aanuu ogoleyn in diin aan Islaam ahayn lagu dhex faafiyo gayiga Somaliland isla markaana aaney suurtogal ahayn in Kaniisad diinta masiixiga lagu faafiyo laga hirgeliyo Somaliland.

Si Kastaba, waxaa buuq badan iyo dareen shacab badan kiciyay kadib markii haweenay la yiraahdo Mariane Vechione oo Somaliland booqatay ay madal lagaga hadlayay howlaha mutadawacnimada ka sheegtay in Somaliland ay u timid iney furto kaniisad dadka Catholic ah loogu talogalay oo muddo 30 sano ah xirneyd, howshaa ay Hargeysa u timidna ay arrintaasi ugu weynayd, iyadoo waliba si aan gambasho lahayn u tilmaantay in xukuumadda Somaliland u ogolaatay arrintaa maadama ay ictiraaf doon yihiin in la aqoonsadana ay ka doonayaan bulshada caalamka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close