JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Maxaa Lagu Xasuustaa Caalimkii Reer Masar ee Axmed Zuwayl…Kadib Sanadguuradii 1aad oo Laga joogo Geeridiisa

Arbacadii Shalay ayaa waxay ahayd maalintii ay ugu buuxsantay sandguuradii 1aad ee geerida caalimkii reer Masar ee Axmed Zuwayl ee ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel prize.

Caalimkan ayaa tusaale fiican u ahaa aqoonyahanka Afrikaanka ah ee heerka sare ka gaaray cilmiga iyo aqoonta. eraydii dhaxalka lahaa ee laga hayay waxaa ka mid ahaa inuu yiri, “In sheyga kaliya ee Ummadi ku guuleysataa uu yahay dadaalka ay bixiyaan dalkasta dadkiisu, cilmiga iyo aqoontana cid goonni ah  amaba waddan gaar u lehna aanuu jiri”, sidaa oo kale waxa uu yiri: “Haddii ay noo suurtogasho inaan fahamno falgalka Kiimikeed iyo kan Biological-ka ah, markaa waxaan bedeli karnaa xaaladdeenna aan ku sugannahay”, mar uu tilmaamay in mar kastaa isbedelka fiican uu lagama maarmaan yahay.

Sanadkii 1999 ayaa marqura dunidu ku baraarugtay in caalimka Axmed Zuwayl la guddoonsiiyay abaalmarinta cilmiga adduunka ugu sareysa ee Nobel prize. Isagoo abaalmarinta ku helay cilmiga Kimistariga gaar ahaan cilmibaaris uu ka sameeyay dhinaca “Femtosecond”, isagoo daahfuray nidaam cusub oo sawir degdeg ah oo ku shaqeynaya laser, awoodna u leh inuu la socdo dhaqdhaqaaqa Qurubka yaryar sida ay ku sameysmaan iyo is uruursigooda.

Sawirkaa xilliga lagu qaadayo ayaa loo yaqaanaan Femtosecond, oo hadda ah mid ka mid ah nidaamyada xilliga lagu qiyaaso ee dhanka Sayniska, waana qeyb Malyuun bilyan oo ilbiriqsiga ka mid ah. Taas oo ka dhigan isberber dhigga ilbiriqsiga iyo Femtosecond -ka marka la eego waxaa u dhexeeya 31.71 milyan oo sano.

Axmed Zuwayl waxa uu ku dhashay magaalada Daminhuur ee gobolka Al-Buxayriya ee waqooyiga Masar 26 Febrayo 1946, kadib waxa uu aqoontiisa Jaamacadeed  uu ku qaatay Masar illaa uu ka dhameystay heerka koowaad ee jaamacadda isagoo helay qiimeynta ugu sarreysa  Sharafta loo yaqaanno sanadkii 1967 , isagoo ka baxay jaamacadda Alexandria isla jaamacddii ayuuna macallin ka noqday, illaa markii dambe uu daraasaddiisa kasii watay dalka Mareykanka oo uu fursad waxbarasho ka helay, isagoo P.H.D ka qaatay jaamacadda Pennsylvania oo uu ku takhasusay cilmigaa Laser-ka.

Waxa uu macallin ka noqday jaamcadda Caltech oo ka mid ah jaamacadaha cilmiga ugu sarreeya dalka Mareykanka, macallin muhiim ah oo cilmiga Kiimikada ayuu jaamacadda ka noqday, waxa uu faafiyay ku dhawaaday 350 cilmibaaris heer takhasus ah, waxaana lagu daray magacyada shakhsiyaadka ka qeybqaatay horumarinta cilmiga ee dalka Mareykanka, waxa uu kaalinta Sagaalaad ka galay culumada cilmiga Laser-ka kuwoodii ugu muhiimsanaa dalka Mareykanka oo ay ku jiraan Albert Einstenin iyo Alexander Graham Bell.

Maandeeq FM

Related Articles

Close