WararkaWaxbarashada

Somaliland: Xukuumadda oo Go’aan Kama Dambays ah Ka Gaartay Kaniisadda Catholic-ga ee Magaalada Hargeysa

Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta soo saartay go’aan kama dambeys ah kaniisadda Catholic-ga ee dhawaan laga furay magaalada Hargysa.

War-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheikh Khaliil Cabdullaahi Axmed ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba ay Kaniisaddu u xirnaan doonto sideedii hore,  maadaama buuq farabadan iyo is maandhaaf ay ka dhex abuurtay bulshada, warsaxaafadeedka ayaa u qarnaa disan:-

 3 August 2017

War-saxaafadeedkani waxa uu daba socdaa arrinta ka dhalatay Kaniisadda taas oo bulshadeenna ku abuurta muran iyo ismaan dhaaf xoog badan taas oo dalka iyo dadkaba aan dan u ahayn.

Taariikh ahaan gumeystihii Ingiriiska ee dalka ka talinjiray waxa uu Hargeysa ka dhistay mudda hadda laga joogo 70 sano.

Hadaba, xukuumadda jamahuuriyadda Somaliland iyadoo ogsoon isla markaan ku baraarugsan mas’uuliyaadka iyo waajibaadka dastuuriga ah, ee ka saran  ilaalin diinta iyo mabaadi’da Islaamka, iyadoo ku dhaqmeysa sida uu qabo 5aad ee dastuurka Qaranku inaan sinaba loo dhaqangelin karin wax kasta oo ka hor imanaya shareecada Islaamka.

Iyadoo tixgelinaysa talooyinka iyo baaqyadii iyo Fatwadii ay soo jeediyeen culumada waaweyn ee dalku.

Iyadoo si gaar ah u tixgelinaysa dareenka bulshada iyo baaqyada uga imanaya shacabkeeda.

Sidaa dareedeed xukuumadda Somaliland waxay halkan ku caddeynaysaa :-

1 – Inaaney jirin wax heshiis ah oo ay xukuumaddu la gashay cidnaba oo ku saabsan arrinta Kaniisadda.

2 – In Kaniisaddaa muranka dhalisay ay u xidhan tahay una xidhnaan doonto sidii awalba ay u xidhnayd mudadii sadonka sano ahayd ee ugu dambeysay.

Bayaan maalinimadii shalay kasoo baxay culumada Somaliland ayaa looga soo horjeestay kaniisadda catholic-ga ee dib looga furay 30 sano kadib magaalada Hargeysa iyadoo bahda waxbarashadana lagu baraarujiyay iney ka taxadaraan hay’adaha Kaniisaddaa la xiriira ee si toos ah iyo si dadbanba u soo bartilmaameedsan doona nidaamka waxbarashada.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close