CaafimaadkaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Wasaaradda Caafimaadka DF Soomaaliya oo Shuruuc Kasoo Saareysa Xakameynta Caano-booraha Dalka Soo Gala

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney shuruuc kasoo saarayso caano-booraha bedelka looga dhigo nuujinta dabiiciga ah ee ilmaha oo dhibaato koritaankooda dambe ah keena.

Fowziya Abiikar Nuur  wasiirka wasaaradda oo saxaafadda kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheetay iney diyaarinayaan sharcigii caano-booraha dalka la keeno lagu maareyn lahaa, maadaama uu bedel u noqday Naaska hooyada oo ah habka ugu raqiisan uguna faa’idada badan koritaanka ilamaha yare ee Alle-na ku manaystay Hooyada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegtay iney dhiirigelin doonaan in hooyadu ay naas-nuujintii saxda ahayd sameyso si looga maarmo caano-booraha:

“Sidaad la socotaan waxaa soo daga caanabooro waddanka oo hooyooyinka u sahla iney ilmihii naaska ka duwaan oo ilmihii marka uu durba dhasho ay siiyaan caanaha, waxaan kasoo saareynaa shuruuc waxaan geyn doonnaa golaha wasiiradda kadibna baarlamaanka, waxaan jecelnahay inaan kor u qaadno Naas-nuujinta”, ayay tiri Wasiir Fowziya.

Waxay hadalkeeda sii raaciysay iney ol’olaha arrintan ay la kaashan doonto hay’ad kasta oo gacan ka siinaysa wacyi gelinta arrinkan si hooyooyinka Soomaaliyeed loogu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay Naas-nuujinta.

“Waxaan u mahadcelinaynaa hay’ad walba ee nagala qeybqaadata, sharcigiina waa diyaar waxa uu u baahan yahay inaan eegno, waxaan la xiriiri doonaan hay’ad walba oo naga garabsiinaysa iney hooyadu ilmaheeda nuujiso, xadidadda Caano-booraha iyo dhibaatadiisa, Naas-nuujinta waxa uu ilaalahay ugu talogalay iney ilmaha yar ka ilaaliso cudurro badan oo ah kuwa faafa iyo kuwa aan faafin, waa habka ugu raqiisan uguna faa’idada badan ee Illaahay uu ku manneystay hooyada waa inaan xoojinno dhammaanteen”.

Dunida ayaa sandwalba xilligan oo kale u dabaaldagta Isbuuca Naas-nuujinta 1-7 August oo looga dabaaldago illaa 170 dal, si hooyada loogu dhiirigeliyo iney si dabiici ah ilmeheeda u nuujiso, caafimaadka ilamahana loo kobciyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close