WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada DF Soomaaliya oo Heshiisyo Kala Duwan La Saxiixday Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Jaamacado Dalka Suudaan ah

Wasiirka waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Dalka Suudaan ayaa heshiisyo kala duwan la saxiixday wasaaradda tacliinta sare iyo jaamacado.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Daahir  Cusmaan oo  howlo Shaqo u jooga Suudaan ayaa booqday Laba kamid ah Jaamacadaha ugu waaweyn ee dalka Suudan isagoo Booqashadiisa ku bilaabay Jaamacada Axfaad oo ah Jaamacad ay dhigtaan Dumar kaliya wuxuuna Wasiirka halkaasi kula kulmay Guddoomiyaha Jaamcadaasi  Qaasim Badri wuxuuna ka dhageystay warbixin kooban oo khuseeya gabdhaha Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacdaasi.

Gudoomiyaha Jamacadaasi Qaasim Badri  oo warbixin siinayay Wasiirka ayaa caddeeyay  in gabdhaha Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadan ay yihiin kuwo firfircoon dadaal badan kana soo baxa dhamaan shuruudaha u dagsan Jaamacadda.

Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan ayaa isna ka mahadceliyay  Warbixinta  Gudoomiyaha Jamacada Axfaad uu siiyay  isagoo tibaaxay in Suudaan kaalin weyn ka qaadatay Jaamacadaas soo saarista hoggaan tayo leh oo dowrkoodu ka muuqdo Wadanka Soomaaliya sharafna u tahay Jaamacada Axfaad in ay soo saartay mid ka mid ah Gabdhaha Soomaaliyeed oo xiligan ah Gudoomiye Bankiga.

Dhanka kale, Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Jaamacada Zaciimal  Al-azharri kuna qaabilay halkaasi Gudoomiyaha Jaamacadaasi  isagoo madaxda Jaamacada qado sharafeed halkaasi kula qaatay wuxuuna kala hadlay Gudoomiyaha Jaamacadaasi in ay laba jibaaraan deeqaha Waxbarashada oo ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.

Sida ay sheegayso warbaahinta dowladda, maalinta Berita ah ayaa lagu wadaa in Wasiir Cabdi Daahir Cusmaan uu soo gabagabeeyo booqasho qaadatay muddo Saddex Maalmood ku joogay Magaalada Khartuum ee xaruunta Dalka Suudaan isagoo heshiisyo dhanka Deeqaha Waxbarashada la saxiixday wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Suudaan iyo Qaar ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn ee ka dhisan Khartuum, Ardayda Soomaaliyeedna ay wax ka Bartaan.

Ugu dambeyn, Sanad walba xilliyadan oo kale dowladda Suudaan waxay ardayda Soomaaliyeed siisaa deeq waxbarasho oo ay ka faa’ideystaan illaa 200 oo arday Soomaaliyeed ah. Iyadoo la ogyahay in dalka Suudaan uu yahay dalka ugu ballaran ee arday Soomaaliyeed ay wax ka barato Tobonaankii sanno ee ugu dambeysay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close