arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

4 Takhasus oo Kuu Damaanad Qaadaya Shaqo Mustaqbalka

Waxaa bilowday sanad dugsiyeed cusub arday badan oo dhameysaty dugsiyada sare ee dalka waxay ku jiraan xilligii ay qaadanayeen go’aanka mustaqbalkooda kulliyadda ay ku biirayaan ee mustaqbalkooda ay u xusheen.

Xilligan oo kale ayaa dadka khubarada ah waxay kula taliyaan ardayda dhanka mustaqbalkooda waxayna u tilmaamaan halka u wanaagsan mustaqbalkiisa.

Bandhigga shaqaaleysiinta ee Dubai ee 2016 ayaa looga hadlay shaqooyin suuqa aad looga baadi goobayo oo ay ugu sarreeyaan 8 takhasus oo 10 sano ee soo aaddan si weyn baahidoodu u soo kordhayso. takhasusyadaa waxaa ka mid ah:-

1 – Data analysts 

Shirkadaha waaweyn waxaa go’aanka lagu qaataa macluumaad laga soo uruuriyay daraasado la sameeyay oo su’aalo hor dhac ah lagaga jawaabayo, waxsoosaarkan miyaan kordhinnaa, mise? Ma magaciisa ayaan bedelnaa? Shirkaddaa miyaan iskaaashi la sameynaa mise waan la tartannaa?

Sidaa darteed waxaa aad loogu baahan yahay dad yaqaanna sida data-da loosoo uruuriyo isla markaan cilmibaarista loo sameeyo, natiijada go’aankana halka uu u badan yahay looga qiyaas qaato.

Hadaba, sanadadii dambe waxaa aad arday u soo jiitay kulliyadaha Engineerin-ka , Maamulka iyo Maareynta takhasuskaa xiriirka la leh.

  2 – Qoraan, Saxafi, Xirafadda Xayaysiinta Sameynta

Qoraaga heerka sare xilligan la joogo fursadaha shaqo ee dunida ka haysto aad ayay u fara badan yihiin, arrintanina waa mid aan doodi ku jirin.

In mu’asasad goonni ah ay kor u qaaddo sumcaddeeda waxay ku xiran tahay kolba heerka qoraaga ay haysto iyo heerka ay hibadiisu gaarisiisan tahay.

Dadka Xayaysiinta sameeyaana waxay u badan yihiin dad yaqaanna culuumta suuqgeynta iyo warbaahinta.

3 – Kalkaaliye Caafimaad

4 – Takhasusaadka dhanka Computer-ka

Takhasusyada Computer-ka ee tirada badan mid kastaaba waxa uu leeyahay fursado shaqo oo aad u tiro badan.

Ugu dambeyn, markasta waxaa habboon inta aadan go’aanka takhasuskaaga aadan gaarin in aad si fiican u eegto shaqda sida weyn looga raadinayo dalkaaga gudihiisa,  si xikmadeysanna aad ku qaadato go’aankaga mustaqbalka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close