arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Aadanuhu Dabar Go’ ayuu Ku Socdaa Sababteedana Ragga ayaa Iska Leh!!

Koox Saynisyahanno ah oo daraasad sameeyay ayaa sheegay in aadanaha uu ku sii socdo wadadii dabar go’a iyadoo arrintaa sababteedana ay leeyihiin raggaa.

Sida lagu soo daabacay jariidada  Politic Expert,  Khubaradan ayaa aaminsan in ragga xilligan la joogo aaney haysan dhaxal side heer sare ah , sidaa darteed tirada caruurta dhalaneysaa ay sii yaraaneyso.

Culumadan ayaa cilmibaaristooda ku ogaaday in nooca manida ragga ay dhibaatooyin kala duwan la kulantay 40 sano ee lasoo dhaafay, taas oo hoos u dhigtay heerka bacramineed ee dhammaan daafaha dunida.

Culumada ayaan qeexin sababaha keentay hoos u dhaca tayada manida, laakiin waxay aaminsan yihiin in haddii xaaladdu ay sidan ku sii socoto aadanaha laga filayo dabar go’ si fudud ku yimaadda.

Culumada sayniska ayaa sheegay in tayada manida ragga ay ku xiran tahay howlo dhowr ah oo saameyn taban ku yeesha oo ay ka mid yihiin, sigaarka, buurnida, iyo deegaanka oo intuba kaalin ka qaata hoos u dhaca tayada hidde sidaha.

Si kastaba, daraasaddan ayaa u muuqata mid xoogga lagu saarey  reergalbeedka oo kaliya, maadaama wax dhibaato ah aan laga sheegayn dadka ku dhaqan qaaradaha kale oo hoorka tarankoodu uu wanaagsan yahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close