DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Guddoomiyaha Jaamacadda Ifriiqiya al-Caalamiyah ee Dalka Suudan oo Sheegay in Ardaydoodu Ku Baahsan yihiin Guud ahaan Soomaaliya

Prof. Kamaal Cubayd oo ah maamulaha Jaamacadda Ifriiqiya al-Caalamiyah ee dalka Suudaan ayaa sheegay in meel kasta oo Soomaaliya ah laga helayo Arday Jaamacadda kasoo baxay oo xil sare haya amaba mid kale oo caadi ah ka shaqooya.

Guddoomiyaha jaamacadda ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu magaalada Khartoum kula yeeshay wasiirka tacaliinta sare ee Somaliya Cabdi Daahir Cusmaan oo halkaas booqasho ku jooga.

Prof. Kamaal ayaa yiri: “Haddii aad aaddo Soomaaliya dhulkeeda meel walboo ka mid ah waxaad ku arkaysaa arday ka aflaxay jaamacadda ha noqodo m id meel sare gaaray amaba mid caadi ah”.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Cabdi Daahir Cusmaan oo booqasho ku tagay jaamacadda Afirka ee Caalamiga ah ayaa ka mahadceliyay soo dhawaneynta loo sameeyay iyo dadaalka ballaaran ee ay sameysay jaamacadda, waxaanuu u sheegay in marna aaney Ummadda Soomaaliyeed hilmaami doonin kaalinta jaamacadda ee kobcinta waxbarashada Soomaaliya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close