arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Jaamcadda SIMAD oo Markii Ugu Horreysay Hirgelisay Maktabadda Aadanah ee Human Library

Jaamacadda SIMAD ayaa maanta markii ugu horreysay  martigelinaysa Human Library oo ah makatabad nooceeda oo kale markii ugu horreysay ka qabsoomaya gudaha magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa dadka akhrisayaasha ah waxaa u suurtogalaysa iney akhriyaan amaba dadka mutadawiciinta ah ee makatabadda ay amaahandaan  bedelkii buugaagta.

Buugaagtu waxay noosoo gudbiyaan taariikh kooban iyo shakhsiyadda qofka mu’alifka ah ee buugga qoray, laakiin maxay kaaaga dhigan tahay haddii qofkii mu’allifka ahaa aad si toos ah ula xiriirto? Maxay kaaga dhigan tahay haddii fursad laguu siiyo iney su’aalo toos ah aad waydiiso jawaabtana aad afkiisa ka hesho, Qisooyin koodana ay si toos ah ay kuula wadaagaan?.

Magaalada Muqdisho ayaa maktabadda SIMAD waxay maanta dhaqangelisay arrintan, iyadoo ay joogaan dad matalaya buugaagta oo aqoonyahanno ah oo ka qeybgalayaasha la wadaagaya waayo aragnimadooda mid kastaana uu u dhagsan yahay boor goonni ah oo magac takhasusu goonni ah uu ku qoran yahay, waxaanad ka helaysaa siyaasad, murti iyo madadaalo, sheekooyin ….

Bandhigga ayaa goor dhow bilowday wixii faahfaahin ahna wararkeena dambe ayaad kala socon doontaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close