WararkaWaxbarashada

W. Waxbrashada Puntland oo Ku Howllan Tababarro Sare Loogu Qaadayo Tayada Macallimiinta

Tababar kor loogu qaadayo tayada macallimiinta Puntland ayaa lagu soo gabagabeyay xarunta kulliyada macallimiinta GTEC ee magaalada Garoowe.

Agaasimaha waaxda Tababartka macallimiinta ee wasaaradda tacliinta sare ee Puntland Abdullaahi Axmed Maxamud ayaa sheegay in tababarkan loo qabtay 200 oo macallin, waxaanuu tilmaamay inuu ka mid yahay dadaallada ay wasaaraddu ugu jirto kor u qaadista tayada macallimiinta oo sanad kasta loo qabto.

Agaasimaha guud ee wasaaradda tacliinta sare Maxamed Cabdulqaadir Cusmaan iyo ku simaha wasiir ku xigeenka wasaaradda ayaa iyaguna tibaaxay muhiimadda uu Siminaarkani u leeyahay tayayna iyo kor u qaadista aqoonta Puntland iyagoona muujiyay dareenkooda iyo sida ay ugu faraxsan yihiin aqoon karorosiga loo sameeyay macallimiinta.

Bishii lasoo dhaafay ayaa tababarro kor loogu qaadayo tayada macallimiinta uga socdeen macallimiin kala duwan xarunta kulliyadda macallimiinta GTEC ee magaalada Garoowe, iyadoo kii ugu dambeeyay lasoo afmeeray Khamiistii lasoo dhaafay.

Tababarkan ayaa waxaa isla qabtay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Hay’addaha kala ah UNESCO, Save The Children, World Vition.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close