arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

42 Arday oo Aqbalaad Deeq Waxbarasho ah Ka Helay 22 Jaamacadood oo Ku Yaalla Dalka Shiinaha

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka Shiinaha ay waxbarasho ugu qaadi doonaan 43 arday oo kamid ah ardaydii ugu sarreysay  Imtaaxaankii Midaysnaa ee sanad dugsiyeedka 2016-2017.

Wasiirka wasaaraddaasi C/raxmaan Daahir Cismaan oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney ku dadaalayaan sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayeen waxbarasho bilaash ah, kana timaadda dalka dibadda.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in 22 jaamacadood oo ku yaalla Shiinaha ay qaabili doonaan ardaydan, kuwaasi oo kulliyado kala duwan dhigan doona.

Wasiirka ayaa ballaqaaday in aan wax musuq ah lagu sameyn doonin deeqaha waxbarasho ee loogu talogalay ardayda Soomaaliyeed.

“Dowladda Shiinaha waxay soo gabagabeysay codsigii ardayda Soomaaliyeed ee ka heshay deeqa waxbarasho dalkaasi, waxaa la aqbalay 42 arday waxaa la diiday 1 arday oo shuruudda soo buuxin waayay, kharashka Tikidka waxaa bixinaya Shiinaha, waxbarashudu waxay bilaabaneysaa 1-da September, ardaydu waxaa looga baahan yahay iney u diyaar garoobaan oo Baasabooradoodana iyo dukumentiyada caddeynaya iney iyaga yihiin la tagaan Wasaaradda Waxbarashada, lagana doonayo iney arrintaasi sameeyaan 11-ka bishan, waxaa la qiyaasayaa ardayda iney baxaan inta ka horreysa bisha September 1-deeda, wasaaradda waxay fududeyn doontaa Visaha lacagta fiisahana ardayda iyaga ayaa iska bixin doona” ayuu yiri wasiirka.

“Waxay ka kooban yihiin 33  rag ah iyo 9 haween ah, waxbarashada ay ardayda haleyaan waxay noqon doontaa 24 ka mid ah waa under graduate, 17 ka mid ah waa post graduate, qof ka mid ahana waa P.H.D, kulliyadaha kala duwan ee ay geli doonaan waxay ka koobnaan doonaan 22 kulliyadoo oo kala duwan oo ay ka mid yihiin Caafimaad, culuumta Sayniska badda, dhaqaalaha, civil Engineering, culuumta xisaabta, …..”., ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Waxaan rajeynayaa ayuu yiri wasiirku in ardayda Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan waxbarashadaas kala duduwan ee ay kasoo qaadan doonaan dalka Shiinaha, “Waxaana rajeynayaa in ardaydaasi isbuuc gudihii ay ku soo gaaraan wasaaradda waxbarashada iyagoo wata baasaaboradoodii iyo dekomintigoodii  si loogu fududeeyo, waxaana ardayda laga codsanayaa inaaney baasaaboorada bedelin illaa ay ka tagaayaan dalka Shiinaha”. ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close