WararkaWaxbarashada

Adduunka oo laga Sugayo Dhacdada  “Dayax Dhiigga” Loo Yaqaanno!

Adduunka ayaa si weyn looga sugayaa dhacdada Dayax dhiigga oo maalinta Isniinta ah ee barri ah la filayo, waana dayaxa oo xilligaa dhameystirmaya isla markaana yeelanaya midab casaan u dhaw muddo dhowr cisho ah.

Dayaxa ayaa heerkiisa ugu sarreeya gaaraya xilliga habeenkii marka ay saacaddu tahay 02:12, oo laga arki karo Mareykanka iyo wadamada ay dariska yihiin iyo waliba meelo badan oo dunida ah.

Dhacdadan ayaa waxaa kale oo  loo yaqaannaa magacyo uu ka mid yahay sturgeon Moon oo xillaagan oo kale ah marka uu aadka ugu badan yahay badaha Mareykanka kalluunka Sturgeon loo yaqaanno oo ay ugu magac dareen in xilligaasi yahay wakhtiga ugu habboon ee  lala soo bixi karo. Dhulalka carabtana aad ayaa dayaxan looga arki karaa maadama xilliyadan oo kale samada ay saafi tahay si wanaagsan loo arki karo.

Caadada qabaa’illadii hore ee Mareykan ayaa ahayd iney dayaxa u yaqaanaan magacyo badan sida; Dayaxa Yayga  ee bisha January, dayaxa Barafka ee bisha February, dayax gooryaan ee bisha March!, dayax ubaxa oo bisha April ah iyo magacyo kale oo farabadan.

 Sawirkan waxaa iska leh wakaaladda wararka ee REUTERS
Sawirkan waxaa iska leh wakaaladda wararka ee REUTERS

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close