DugsiyadaWararkaWaxbarashada
Akhriso: Qorshe Howleedka Sanad Dugsiyeedka Ardayga oo Dhameystiran

Arday walba oo wax barta waxa uu ku han weynyahay ın uu guulaysto waxbarshadıısna uu guul ka gaaro ,laakiin su’aasha ugu muhiimsan ee ardayga hortaagan waxa ay tahay sidee ugu guulaysankartaa waxabarashadaada.
Marka aanu ka hadlayno qorshaha waxbarashada waa mid lagaaga baahan yahay in aad ku talaabsato isla markaana aad dhaqan geliso,
Hadaba sidee ardahow u samaysan kartaa qorshe sanadeed ku saabsan waxbarashadaa u samaysan kartaa?
Inta aadan sameysan waa in aad isweydiisaa dhowr su’aalahan
1 – Ma u baahantahay in aad guulaysato ?
2 – Maalin walba maxaad gudsiga u aadaa?
3 – Maxaan ahay anigu ?
4 – Hadaad guulaysato ma na tiija oo aad helaysaa ?
5 – Yaa ku sugaya oo aad wax u baranaysaa ?
6 – Goobta aad wax ku baranayso ma tixgelisaa?
Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan waa in aad is weydiiso maalin walba si aad u fahamto waxa aad tahay iyo halka aad u socoto.
Haatana waxaan isla wadaageynaa qorshe sanadeedka waxbarashada waxaana ka mid ah
1 – Marka hore waa in aad aamin santahay in aad ku jirto cibaado waayo wax barashadaada waa qeyb ka mid ah cibaadada waxa aad wax ku ogaanaysaa waajibka alle ku faray iyo xaqa iyo baadilka waana mid ilaahay sheegay oo yiri kuwa wax yaqaana iyo kuwa aan wax aqoon isku mid maaha sidaa awgeed waa in aad fahamtaa garwaaqsataa in waxbarashadaada aad alle ugu dhowaanaysid .
2 – In aad fahamto in mas’uuliyada kaasaaran tahay naftaada ehelkaaga dalkaaga iyo dadkaaga waayo ardayga maalin walba oo uu wax barashada u socdo waa in uu ogaadaa in waajib laga sugayo lagu tashanayo naftiisu ay mas’uuliyadi ka saarantahay waalidkiisa dalkiisa iyo dadkiisaba
3 – Qorsha sanadeedka waxaa ka mid ah in aad aaminto in aad guulaysanayso awoodna aad u leedahay arintaas ayada ah hami weyna aad u hayso waxbarashada .
4 – Waa in aad ogaataa in aad tahay arday oo haybad ardaynimo kaa muuqataa marka aad marayso wadada ama aad ku sugantahay goobtaada waxbarasho taasi waxa ay kugu saacidaysaa in bulshadii ku tixgeliso kuna aanto .
5 – Qorsha sanadeedka waxaa kamid ah in aad ogaatid qiimaha macalinkaaga oo aad ku tala gasho in aad qadariso,dhegeysato, waalidkaa labaadna aad in uu yahay ogaato.
Hadaba, ardayahow waxaan halkan kuugu soo bandhigaynaa qorshe sanadeedka ku aadan horumarinta waxbarashadaadaa anaga oo isku deyeyna in aan higsano dhowr qorshe oo xiriir la leh waxbarashaddaada waxaa ka mid ah :
Qorshe sanadeedka ku saabsan ka farxinta waalidka.
Qorshe sanadeedka ku aadan maalinta kowaad ee aad tegeyso goobtaada waxabarasho.
Qorshe sanadeedka ku aadan marka aad soo gaarto dugsigaaga.
Qorshe sanadeedka ku saabsan fasalka.
Qorshe sanadeedka ku aadan ixtiraamka macalinka.
Qorshe sanadeedka ku aadan asxaabta.
Qorshe sanadeedka ku aadan akhrinta casharka.
Qorshe sanadeedka ku aadan waqtiga.
Qorshe sanadeedka ku aadan cunadaada.
Qorshe sanadeedka ku saabsan ka farxinta waalidka
Ogow ardayahow in labadaada waalid ay yihiin dadka mar walba kuula jecel guushaada ku farxaya
Hadaba maxaa lagaaga baahanyahay qorshaha ku aadan ka farxinta waalidka
Si aad ugu guulaysato waxbarashadaada waxaa hubaal ah in aad mar walba ku guulaysanayso marka uu waalidku raali kaayahay.
– Waa in aad waalidka maalin walba aad ka codsataa in ay kuu duceeyaan.
– Waa in aad madaxa ka dhunkataa.
– Waa in aad la socodsiisaa waxyaabaha aad kala soo kulanto goobtaada waxbarasho warbixinada aad la wadaagtaa.
– Waa in waalidkaa aad ka dhigataa saaxiibka ugu horeeya si aad tala wanaagsan u hesho.
– Waa in waalidka aad ku amaantaa abaalka uu kuu galay.
Qorshe sanadeedka ku aadan maalinta kowaad ee aad tegeyso goobtaada waxabarasho
Laga bilaabo maalinta ugu horeysa ee aad tegeyso goobtaada wax barasho waxaa lagama maarmaan ah in aad in aad sameyso qodobadan .
– Waa in aad ku tala gashaa in aad xili hore seexato si aad u tagto dugsiga adiga oo firfircooni kaa muuqato
– Waa in xiliga habeenkii aad sii diyaarsataa agabkaaga waxbaraho buugaagta,qalimada,kutubta,iyo dharka aad ku tegi lahayd oo kuu feeraysan
– Waa in aad duceysataa maalin walba oo aad gurigaag ka baxayso allana ku xirnaataa
– Waa in aad qorshaha sanadka ku darsataa in xili hore aad gurigaaga ka soo baxdid oo aadan uga dib dhicin waxbarashadaada
– Qorsha waxaa ka mid ah in aad ixiraamto bulshada aad la nooshahay marka aad marayso wadada iyo marka aad baabuurka saarantahay .
Qorshaha sanadeedka ku aadan marka aad soo gaarto dugsigaaga
Marka aad soo gaarto goobtaada waxbarasho maxaa kuu qorshaysan ?
Arday badan marka ay soo gaaraan goobtooda waxbarasho waxa ay durbadiiba bilaabaan in ay ciyaaraan ama ah dhibaateeyaan asxaabtooda ama ay qeyliyaan , mar hadii aad soo gaartay goobtaada waxbarashada waxaa lagaaga baahanyahay qodobada soo socda
– Maalin walba marka aad gelayso albaabka gudsiga waxbarashada waa in aad tiraahdaa bismilaah allana ugu mahadisaa in aad soo gaartay goobtaada adiga oo caafimaad qaba
– Waa in aad salaantaa asxaabtaada
– Waa in aad kala sheekaysataa arimaha waxbarashada iyo sidii ay guul ku gaari lahaydeen
– Waa in aad isku diyaarisaa in aad daabuurka ka qeyb qaadato ama dhegeysato
– Waa in aad si degan u gashaa fasalkaaga
Qorsha sanadeedka ku saabsan fasalka
Marka aan ka hadlayno qorshe sanadeedka ku saabsan fasalka waxaan ula jeednaa in aad ogaato in fasalkaagu uu yahay goobtii aad jahliga uga baxaysay,goobtii aad ku guushaada waxbarasho ku gaari lahayd in ay tahay ,hadaba hadii aad tahay arday qorshaha sanadkan iyo sanad walba lagaaga baanyahay oo ku aadan fasalka waa maxay ?
– Waa in aad si haybad leh aad u soo gashaa fasalkaaga
– In aad ku dadaasho nadaafadda fasalkaaga.
– In aadan gidaarada iyo kuraasta aadan waxba ku qorin.
– Waa in aad si nidaamsan aad u kurusigaaga ugu fariisataa.
– Waa in aad la soo baxdaa maadada uu macalinku kuu dhigi doono.
– Waa in aad ku dadaashaa aamusnaanta isla markaana aad ilaalisaa xasiloonida fasalka.
– Waa in asxaabtaada aadan la hadlin inta macalinka sharxayo.
– Waa in maankaaga aad siisaa macalinka.
– Waa in diiwaan gelisaa qodobada uu macalinku kuu sharxayo.
– Waa in aad u jeesataa macalinkaaga oo aadan ka mashquulin.
– Waa in si akhaaqi ku dheehantahay aad farta u taagtaa marka macalinku ku weydiiyo su’aal.
– Waa in aadan ka kicin kursigaaga inta macalinku ku sugan yahay fasalka.
Qorsha sanadeedka ku aadan ixtiraamka macalinka
Qof walba oo aduunkan ku soo biira waxa uu dhashaa asaga oo aan wax aqoo waana wax bara jahligana ka saara waa macalin ha ahaado macalin qur’aan ama macalinka dugsiga ama macalinka jaamacadda ,
ardayahow waxaad ogaataa in macalinku yahay qofka labaad marka laga reebo waalidkaa ee kula jecel in aad guulaysato mar walba oo aad waxbarashada ku dadaashana ogow in uu dareemayo macalinkaagu in waajibkiisii uu gutay ,
hadaba maxaa lanooga baahanyahay sanadkan si aan macalinkeena u kasbano aqoontiisana uga faa’iidaysano .
– Waa in aad marka hore fahamtaa in macalinkaagu uu yahay waalidkaa labaad kaana mudan istiraam iyo kalgaceyl
– Waa in sanadkan aad ku tala gashaa in mar walba ka soo horeyso macalinkaaga oo kuu yimaado adiga oo fasalkaaga kusugan
– Waa in aad u jeesagaa macalinkaaga marka uu soo galo
– Waa in aad la socotaa sharaxaadiisa una dhega nuglaataa qodobada uu sharxayo
– Waa in aadan ka mashquulin macalinkaaga sida in aad ku mashquusho Taleefan. Waxqorid. Iwm
– Waa in aadan amaantaa macalinkaaga marka uu kuu sharaxo casharka
Qorsha sanadeedka ku aadan asxaabta
qof walba oo aduunkan ku nool waxaa hubaal ah inuusan ka maarmin saaxiib waana arin fiicna in ardaygu lahaado saaxiib wanaagsan oo mar walba uu ka helo hadal iyo tala wanaagsan .
sidee qorsha sanadeedkayga waxbarasho ugu darsanayaa saaxiib wanaagsan .
si aad waxbarashadaada ugu guulaysato waa in aad heshaa saaxiib wanaagsan waxaana ku heli kartaa sidatan .
– Waa in aad doorataa saaxiib dantaada ka shaqeynaya..
– Waa in saaxiibka wanaagsan uu noqdaa mid cibaada alle ku xasuusinaya.
– Waa in uu noqdaa saaxiibka wanaagsan mid casharka kula akhrisana.
– Waa in uu noqdaa mid akhlaaq wanaagsan.
– Waa in uu noqdaa mid hadii aad maqnaato ku gaba istaagaya.
– Waa in uu noqdaa mid kula ilaalinaya waqtigaaga.
Qorsha sanadeedka ku aadan akhrinta casharka
maalin walba waxaad soo qaadataa casharo kala duwan ujeedka aad goobtaada u tagteyna waa in aad waxbarato kuna liibaanto si aad berito u noqoto qof naftiisa ehelkiisa dadkiisa iyo dalkiisaba anfaca qeyb aad ka noqodo hurmarka dalkaaga. Horena waxaa loo yiri aqoon la’aani waa iftiin la’aan.
Sidaa awgeed waxaa kuu wanaagsan kuna kuuna fiican in aad maalin walba aad casharada laguu soo dhigay aad ka faa’iidaysato adiga oo raacaya qodobadan.
– Waa in aad marka hore si fiican u soo dhegeysataa macalin kaaga inta uu kuu sharxayo casharka
– Waa in aad diiwaan gelisaa qodobada uu macalinku sharxayo
– Waa in aad ku waqti u yeeshaa cashar walba oo aad dib ugu laabataa
– Waa in aad jow degan wax ku akhrisaa
– Waa in aad ku dadaashaa in aad hesho iftiin wanaagsan
– Waa in aad ka fogaata goobaha sawaxanku ku badan yahay
Qorsha sanadeedka ku aadan waqtiga
Marka aan ka hadlayn waqtiga waa noqsheena oo nolosheena oo dhan ayaa ah mid waqtiyaysan waxaana loo baahan yahay inta aan dunidan ku noolnahay in waqtigaas aanu ka faa’iideysano waxfiicana uga faa’iidaysano.
Hadaba ardeygu sideebuu uga faa’iidaysan karaa sanadkan .
– Ardaygu waa in uu ku tala galaa sanad dugsiyeedkan in uu nidaamiyo waqtigiisa
– Waa in ardeygu kala saaraa waqtiga uu cibaadeysanayo , waqtiga uu waxbaranayo , waqtiga uu dugsiga tegayo ,waqtiga uu ku sugan yahay goobtiisa waxbarasho…. iwm.
Qorsha sanadeedka ku aadan taleefanka
Waxaa caado noqotay in ardayga ay u dugsiga u qaataan taleefanada shaashada leh ayaga oo aaminsan in taleefankaasi uusan dhibaato u keenayn, waxaad ogaataa ardayahow in taleefanka uu qeyb ka yahay dub u dhaca ku yimaada waxbarashadaada .
Sidee sanadkan qorshe u samaysan karnaa ugana hortegi karnaa dhibaatada taleefanka
– Ardaygu marnaba kama maarmo taleefanak gaar ahaan waaqica aan ku noolnahay marka loo eego ,wuxuuna u baahanyahay in uu la xiriiri ehelkiisa hadii wax soo kordhaan .
– Ardayahow waa in aad fahamtaa marka hore taleefanka aad uqaadanayo goobtiisa waxbarasho ujeedka aad u qaadanayo waa in aad fahamtaa , ma waxaa u qaadanay in aad ku daawato filim, ku dhegeysato hees , ka dheygeysato idaacadd mise waxaa loogu tala galay in aad waalidkaa kula xirirto hadii wax soo kordhaan
– Hadii aad doonayso in aad waxbarashadaad ku guulaysato waa in aad qaadataa taleefanada aan shaashada lahayn qorsha sanadeedkaana aad ku karsato
Ogow ardayahow in arday badan ay waxbarashada ku seegeen markii ay taleefanka shaaashada leh ay ku qaateen goobahooda waxbarasho .
Qorsha sanadeedka ku aadan cunadaada
Si aad ugu guulaysato waxbarashadaad waxaad qorshaha ku darsataa in aad tagtid goobtaada waxbarasho adiga oo wax cunay waayo cunada waxa ay quudinaysaa jirkaaga qeybna waxa ay ka tahay fehamkaaga , hana isku deyin in aad aado dugsigaaga adiga oo gaajaysan .
Ugu danbeyntii waxaa idiin rajaynayaa guul waxaana filayaa in aad ka wada faa’iidaysanay qorsha sanadeedka cusub ee waxbarashada
(GUULAYSTA )
W/D : USTAAD XASAN CABDI MAXAMED ( XASAN MAANDEEQ)