DugsiyadaWararkaWaxbarashada
Puntland: 10 Arday ee Ugu Sarreeysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad

Wasiirka Wasaaradda Waxbarasahda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise oo ku dhawaaqay magacyada 10 arday ee ugu sarreysa natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ayaa codsaday in ardayda dugsiyada sare ee ay ku biirayaan ay siiyaan waxbarasho lacag la’aan ah.
Wasiirka oo saxaafadda la hadlay shirkii jaraa’id ee lagu soo bandhigayay natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedka 2016/2017 ayaa codsaday in ardaydaa loogu abaalgudo waxbarasho lacag la’aan ah :
“Waxaan ka rajeynayaa Iskuullada ay galaan ardaydaa in loogu abaalgudo iney lacag la’aan ku dhigtaan 10-kaa arday, sababtu waxay tahay arday waxyaalaha tacliinta kor u qaada oo tayeeya Labo arrimood baa ugu weyn midda ugu horreysaa waa imtixaanka la qaadayo ee shahaadiga ah, waanad aragteen wacdaraha uu ka dhigay Puntland sida uu kor ugu qaaday, midda labaadna waxa weeyaan ardayda abaalgudka la siiyo”.
Codsiga wasiirka ayaa ka dhigan inaaney jirin wax qorshe dhiirigelin ah oo ay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ugu talogashay ardayda kaalmaha hore ka gala imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad oo ay muhiim ahayd, sida uu wasiirkuba qirsan yahay, iney helaan dhiirigelin kor u qaadi lahay tartanka ardayda hamigooda waxbarashana sii xoojin lahayd.
Si kastaba, ardayda shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo imtixaankooda uu soo baxay 27 June ayaa iyagu helay abaalmarinno heer jaamacadeed ah oo lacag la’aanta oo ay ka heleen Wasaaradda waxbarashada Puntland oo u ballanqaaday.
Hoos ka akhriso 10 ka Arday ee ugu sarraysa imtixaanka Fasalka 8-aad ee Puntland
S/N | RNo | Magac | Dugsi | Grade | Celcelis |
1. | P171462 | Cadnaan Abdi Yasin Hersi | Imam Shafie | 626.00 | 89.43 |
2. | P170536 | Mohamed Abdi Barre Waberi | Darul-Birr i(Bosaso) | 624.00 | 89.14 |
3. | P178369 | Najmo Abdirisak Sahal Mohamud | Nawawi Garowe | 623.00 | 89.00 |
4. | P175207 | Luqman Abdikadir Ahmed Ali | Daru Salaam(Galk) | 621.00 | 88.71 |
5. | P172469 | Salman Said Jama Abdi | Ummul Qura | 620.00 | 88.57 |
6. | P170798 | Abdulahi Warsame Barre Said | Darul-Rahma(Bosaso) | 618.00 | 88.29 |
6 | P173560 | Abdirahman Yasin Abdirahman Yusuf | Abdiladif Bilal | 618.00 | 88.29 |
7. | P177610 | Amira Ali Salah Adan | Dawad Garowe | 618.00 | 88.29 |
8. | P178318 | Ali Abdullahi Ali Said | Nawawi Pr Gr | 617.00 | 88.14 |
9. | P171503 | Mohamed Mubarak Farah Mohamud | Imam Shafie | 614.00 | 87.71 |
10 | P177445 | Aisha Abdi Abdullahi Farah | Darwiish Garowe | 614.00 | 87.71 |
Maandeeq FM